Dallada SONYO Oo Ka Qayb Gashay Shir Caalami Ah

0
798

 

Picture3Hargeysa(Geeska) – Dallada dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO, ayaa ka qayb gashay shir caalami ah oo ka dhacay magaalada Ulaanbaatar, caasimada wadanka taariikhda guunka ah leh ee Mongolia, oo dhaca badhtamaha qaarada Aasiya, ka dib markii ay heshay martiqaad rasmi ah. Shirkan oo uu Dallada uga qayb galay Gudoomiye Ku Xigeenka, Mudane Mustafe Maxamed Daahir, waxa soo qaban qaabiyey ururka Community of Democracies oo ah isbahaysi caalami ah oo ay xubno ka yihiin wadamo badan oo adduunka ah iyo Dawlada Mongolia oo hayso madaxtinimada ururkan, ka hor inta ayna ku wareejin dalka El Salvador.

 

Shirkan oo ku saabsan xoojinta iyo dhaqan galinta tiirarka dimoqraadiyada, waxa ka soo qayb galay ururo dhalinyaro, oo ay ka mid tahay SONYO, diblomaasiyiin, safiiro iyo xubno tiro badan oo u dhaq dhaqaaqa dimuqraadiyada iyo xoojinta rabitaanka shacabka oo ka kala yimi in ka badan 40 dal oo adduunka ah oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Lithuania, Poland, Pakistan, Liberia, Zimbabwe, Nepal, Indonesia, Australia, Kyrgyzstan, China, Mongolia, Nicaragua iyo wadamo kale oo xubno ka ah ururkan. Waxa furay shirkan Raysal Wasaaraha, ahna Wasiirka Arimaha Dibada ee dalka Mongolia Mudane Luvsanvandan Bold.

Gudoomiye Ku Xigeenka Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO, Mudane Mustafe Maxamed Daahir, oo matalaya Jamhuuriyada Somaliland, gaar ahaan dhalinyarada Somaliland ayaa shirkan ka soo jeediyey warbixin dheer oo ku saabsan guud ahaan horumarka, nabada iyo dimuqraadiyada ka hana qaaday Jamhuuriyada Somaliland iyo kaalintii ay Dallada Dhalinayarada Heer Qaran ee SONYO ka qaadatay ka qayb-galka siyaasada ee dhalinyarada dalka. Warbixinta Mustafe Maxamed Daahir, Gudoomiye Ku Xigeenka Dallada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO, ayaa aad u soo jiidatay dhagaha dhammaanba ka soo qayb galayaasha shirkan maadaama aanay badankoodu aqoon fiican u lahayn Jamhuuriyada Somaliland iyo heerka horumarka ee dhinacyada nabada, haykalka dawliga ah, maamul wanaaga, dimuqraadiyada iyo xisbiyada badan. Waxa aanu siiyey ka soo qayb galayaasha xog muhiim ah oo ku saabasan Jamhuuriyada Somaliland iyo xaalada dhalinyarada oo aanay hore u maqal.

Gudoomiye Ku Xigeenka Dallada Dhalinyarada SONYO waxa uu sidoo kale siiyey waraysiyo ku saabasan Jamhuuriyada Somaliland, Dimuqraadiyada iyo doorka dhalinyarada ee marxaladihii dalku soo maray ilaa 6 TV oo ku yaala dalka Mongolia iyo China.

Shirkan caalamiga ah oo qorshihiisu yahay in uu socdo muddo 3 cisho ah ayaa ku suntan shirkii ugu horeeyey ee noociisa ah ee Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO ka qayb gasho, lana wadaagto ka soo qayb galayaasha shirka xog muhiim ah oo ku saabsan guud ahaan Jamhuuriyada Somaliland, gaar ahaan horumarka dhalinyarada Somaliland sameeyeen 20kii sano ee ugu dambeeyey iyo sida ay Jamhuuriyada Somaliland diyaarka ugu tahay in loo aqoonsado wadan buuxiyay shuruudihii qarannimo ee looga baahnaa wadan iskii u taagan. Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO waxa ka go’an in ay dhalinyarada Jamhuuriyada Somaliland iyo hanka Shacabka ku matasho fagaarayaal caalami ah si ay u suurtowdo in indhaha adduun weynaha lagu soo jeediyo marxalada ay ku sugan yihiin dhalinyarada Jamhuuriyada Somaliland iyo in hanka iyo himilada shacabka Somaliland tahay lama taabtaan, mudan in garawshiiyo la siiyo.