Mu’waadin Uu Hiili Isbaheysigi Mucaaridka Oo Uu Hiili Dimuqraadiyadda

0
593

Picture1Xukuumadda Silaanyo mar alle markey xukuunka dalka hanatey  waxey bilaawdey iney jabiso w balanqaadkeedi aha iney ixtiraameyso  shuruucdi iyo dastuurki jamahuuriyadda Somaliland

Waxey xidhey tiradi ugu badneyd ee saxafi iyo xarun warbaahineed abid intey jirtey S/L. Illa haatana waxa xidhan jaraa’idka Haatuf iyo Somaliland Times muddo sannad ka badan. Waxey xabsiga uu taxaabtey tiradi ugu badneyd ee xildhibaano,siyaasiyiin iyo difaacayaasha xuquuq al insaa’nka, waxana ugu dambeyey madaxa Human Wrights Centre Axmed Jamac Guleid.

Waxay waxba qaban weydey shaqaala’aanta baahsan ee dhalinyarada S/L .

Waxey waxba ka qaban waydey balanqaadkeedi aha’’ dhalinyaroow’’ ha tahriibina Udub wey tageysa .Taaso kumanaan kun oo dhalinyarada S/L  ku idlaadeen saxaaraha Sudan iyo Libiya iyo badaha Medaterreneaynka iyo Red Sea .

Waxey iibisey dhulki iyo guryihi danta  guud oo lacagtoodi lagaraneyn meel ay martey .Halka dhalilnyarda S/L ay la’yihin meel ay ku ciyaaraan .waana arrimaha xoojiyey tahriibka dhalinyarada.

Maqaamki siyaasadeed ee Ictiraaf raadinta Jamhuriyadda S/L ee maamuladdi Cigaal iyo Rayaale gaadhsiiyeen Africa, albaabadey uu soo laabtey waxaaney ku soo koobtey siyaasadda madhaleyska ah ee wada hadalka Somalia iyo Somaliland .Arrintaas oo la wada ogaa fadeexaddi ka dhalatey ee websiteka siraha  jabsada ku sheegey iney midnimo kala sexeexdeen Somalia iyo Somaliland . Waxey qaban weydey doorashadi madaxweynaha ee muddadi shanta sannadood xilka madaxweynuhu ku dhamaadey 26 juun 2015 .Taaso madaxweyne Silaanyo balanqaadey inaaney maalinna dhaafeyn isago marku mucaariid aha mudaaharaad iyo hanjabaaddo kaga fal celin jirey muddo kordhinta ay guurtudu sameeyso,iminkana fulin la’ isaga iyo inta ku xeeran heeshiiski sagaalka iyo tobanka bilood loogu kordhiyey ee ay seddexda xisbi wada gaadheen ,iney doorashadu dhacdo December 2016 .

 Alla mahad leh,

Eng. Bashe Cabdi Gaboobe.