Dalka Ruushka Oo Dad Yaraan Ka Baqanaya Ayaa Qorsheeyey In Uu Bixiyo 10 Milyan Oo Jinsiyadood

0
930

Warbixin uu daabacay wargeyska ‘The Times’ ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegaysa in dawladda Ruushku ay qorshaysay in ay tobannaan milyan oo shisheeye ah siiso jinsiyadda Ruushka, kaddib markii ay dawladdu dabcisay xeerka jinsiyadda ee dalkaas. Tallaabadan ayaa la sheegay in ay dawladda Ruushku kaga hortegeyso hoos u dhac mustaqbalka fog ku yimaadda tirada dadka dalkaas. Iyada oo ka duulaysa tiradii dadka Ruushka oo noqotay 146 Milyan oo ruux, taas oo laba milyan ka yar intii ay ahayd sannadkii 1992 kii, sidaas awgeed ay muuqato in uu hoos u socod jiro. Gaar ahaan labadii sano ee u dambeeyey oo ay tirada dhimashadu qiyaas 300 oo kun ah ka badatay tirada carruurta dhalatay sannad kasta. Hay’adda qaranka ee tira koobyaduna waxa ay saadaalinaysaa in labaatanka sano ee soo socda ay tirada muwaadiniinta Ruushka ahi 12 Milyan oo qof hoos u dhici doonto. Qaramada midoobeyna ay hore u sheegtay in boqol sano gudahood ay tirade dadka Ruushku kala badh hoos u dhici doonto.

Sababaha kale ee tirada dadka Ruushka yaraynaysa ayaa la sheegay in ay ka mid tahay hijrada oo ku soo badanaysa, iyada oo dhalinyaro badani u tacaburayaan dalalka Yurub si ay nolol tooda dhaanta uga raadsadaan.

Dadkan jinsiyadda fursadda u helaya oo u badan dadka u dhashay jamhuuriyadihii hore uga tirsanaan jiray midowgii Soofiyati oo dalkaas qaxoontinimo ama sifooyin kale ku jooga. Maadaama oo ay yihiin dadka ugu badan ee jooga, isla markaana uu u fududaan doono qodobka dhigaya in qofka jinsiyadda qaadanayaa uu afka Ruushka yaqaanno.

Qodobbada xeerka jinsiyadda Ruushka ee la dabciyey waxaa kale oo mid ah, qodobka shardiga ka dhigayey in qofka Ruush noqonayaa uu ka tanaasulo jinsiyadda dalkii uu asal ahaan ka soo jeeday ama jinsiyad kale oo kasta, in qofka xaas ama carruur Ruush ah dhala ee doonaya jinsiyaddu uu marka hore dalka joogo shan san ooo xidhiidh ah, laakiin hadda uu si toos ah u dalban karo.

Tallaabooyinka kale ee ay dawladda Ruushku dad yaraanta kaga hortegeyso waxaa ka mid ah; madaxweynaha oo dhowaan ballanqaaday in uu lacagta gunnada muwaadiniinta ah u kordhin doono qofka Ruushka ah ee carruur badan dhala iyo in hooyadu mar kasta oo ay ilmo dhasho lacag la siin doono. Waxa kale oo uu madaxweyne Putin ogolaaday in cashuurta lagu kordhiiyo khamriga iyo sigaarka, si qiimihiisu uu dadka ugu qaaliyoobo oo dadka isticmaalayaa ay u yaraadaan, maadaama oo ay labaduba ka mid yihiin khataraha nolosha aadamaha soo gaabiya.