Qaar Ka Mid Ah Sababaha Ay Raggu Ugu Bateen Dadka U Dhintay Fayraska Coronavirus

0
699

Sida ka muuqata tirakoobyada dalalka kala duwan ee adduunku ka soo saarayaan muwaadiniintooda u dhintay xanuunka COVID-19, dadka dhintay waxaa ugu badan ragga. Meelaha ay waxyeelladu ragga iyo dumarka sida aadka ah ugu kala badantahayna waxaa ka mid ah dalka Talyaaniga oo wasaaraddiisa caafimaadku ay sheegtay in boqolkiiba 70 dadka dhintay ay yihiin rag. Dalka Shiinaha ayaa isaguna bilowgii xanuunkanba shaaciyey in dadka uu Coronavirus dilayaa ay u badan yihiin ragga. COVID-19 oo keliyana ma’aha ee xitaa Fayrasyadii hore adduunka u soo maray ee la qoyska ahaa, oo ay ka mid yihin SARS iyo MERS labadaba cidda ugu badan ee u dhimanaysay ragga ayaa ay ahayd. Kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda Miami Miller ayaa iyaduna in ragga Coronavirus cisbitaallada loo dhigay ay saddex laab ka badan yihiin dumarka.

Arrintaas oo keentay in xeeldheereyaasha caafimaadku ay aaminaan in kala duwanaanshiyaha jinsigu ay kaalin muhiim ah ku leedahay qaadista iyo u dhimashada Coronavirus. Iyada oo ay qaarkoodna aaminsan yihiin in sababaha keenay in raggu noqdaan dhibbanaha ugu badan ee ‘COVID-19’ ay ka mid tahay sigaar nuugista oo ragga ku badan. Sigaarku waxa uu dilaa caafimaadka sambabada dhaawaco, xanuunkanina sambabada ayaa uu weerarana, waxaa intaas dheer in uu sida oo kale sigaarku daciifiyo habdhiska difaaca jidhka. Waxa kale oo isna la mid ah cabbitaanka khamriga iyo guud ahaan isticmaalka maandooriyaha oo la ogyahay in uu dilo habdhiska difaaca iyo beerka, ragguna ay isticmaalkooda aad ugaga badan yihiin dumarka.

Sababta kale ee ay khubaradu sheegeen waa ragga oo caadi ahaan dumarka kaga badan meelaha dadka badani isugu yimaaddaan, gaar ahaan suuqyada taasina ay sabab u tahay in uu cudurku si sahal ah u soo gaadho.

Dr. Marcia Stefanik oo bare sare oo caafimaadka dhiga ka ah jaamacadda Stanford ee dalka Maraykanka ayaa wargeyska Wall Street Journal ee dalka Maraykanka u sheegtay in habdhiska difaaca ee dumarku uu marka horeba ka awood badan yahay habdhiska difaaca ragga, taasina ay tahay sababta uu jidhka gabadhu si degdeg ah ula falgalo daweynta iyo tallaalka, sidaas awgeed ay si dhaqso ah uga bogsan karto xanuunka.

Dr. Marcia waxa ay sheegtay xilliga uurka in jidhka gabadhu uu la qabsado la dagaalanka Fayrasyada iyo bakteeriyada, maadaama oo uu jidhkeedu muddo 9 bilood ah sido asiidhda bu’eed ee ilmaha, in la ilaalin ay helaanna muhiim tahay. Muddadaas ayaa uu jidhka gabadhu ku tababartaa iska caabbinta weerarrada dibadda kaga imanaya.

Waa kale oo sababaha ka mid ah Koromosoomada (Chromosomes) gabadha oo ka awood badan kuwa ragga, maadaama oo uu ninku sido Koromasoomo ah X iyo Y, halka ay gabadhu ka siddo X iyo X, sida la ogyahayna Koromasoomka X waxa uu ka kooban yahay 9 boqol oo hiddeside, taas oo saddex laab ka badan hidde sideyaasha koromosoomka Y. Hidde sideyaashaas intooda badani xidhiidh la leedahay shaqada difaaca jidhka. Arrintani waxa ay muujinaysaa in gabadhu ay leedahay hiddesideyaasha ugu waaweyn ee xidhiidhka la leh xoojinta habdhiska difaaca.