Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Oo Xukuumaddiisa Ku Soo Kordhiyey Wasaarad Lagu Magacaabo ‘Wax Aan Suurtagal Ahayni Ma Jiro’

0
627

DUBAI (Geeska)- Raysalwasaaraha dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta, isla markaana ah maamulaha imaaradda Dubai ayaa salaasadii 23 ka Abriil ku dhawaaqay wasaarad dalkiisa iyo dunidba ku cusub oo lagu magacaabo wasaaradda ‘Wax aan suurtagal ahayni ma jiro’.

Raysalwasaare Sheekh Maxamed bin Raashid Aala Maktuum oo wasaaraddan cusub kaga hadlay bartiisa twitter ka ayaa sheegay in wasaaraddu ay ka shaqayn doonto dhawr mashruuc, oo ay ka mid tahay in ay muwaadiniinta u qabato adeegyo ka horreeya baahida, in ay dhisto madal internet oo fududaysa waxyaabaha ay dawladdu iibsanayso, oo la doonayo in waqtiga marka hore iibkaasi ku dhammaystirmi jiray oo 60 maalmood ahaa ay ku soo koobto lixdan daqiiqo, iyo in ay dhisto nidaam lagu ogaanayo hibooyinka ilmo kasta oo u dhashay dawladda Imaaraadka Carabta.

Sheekh Bin Raashid waxa uu sheegay in wasaaraddan cusubi ay noqon doonto mid aan caadi ahayn, marka la eego dhinaca maamulka. Tusaale ahaan ma jiri doono wasiir ku magaacaaban wasaaradda, balse taas beddelkeeda waxaa jiri doona gole wasiirro ah oo wasaaraddan maamula, kuwaas oo ka mid ah uun isla wasiirrada xukuumadda.

Bin Raashid waxa uu sheegay in mustaqbalka dunida ay ku soo waajahan yihiin caqabado badani, sidaa awgeed loo baahan yahay in si joogto ah loo cusboonaysiiyo qaabdhismeedka xuqmuuqadda iyo sida loo maamulayo.

Wasaaraddan cusub ee uu raysalwasaare Bin Raashid ku dhawaaqay ayaa saddex timi saddex sano kaddib markii uu sidan oo kale u sameeyey wasaarad iyaduna xilligaas indhaha caalamak soo jiidatay oo ah wasaarad u gaar ah farxad gelinta muwaadiniinta. Laakiin wasaaraddaas hore maamul ahaan waxa ay la mid ahayd wasaaradaha xukuumadda ee wasiirka leh.

Raysalwasaare Bin Raashid ayaa hadalladiisa ku aaddan wasaaradda cusub ee uu bartiisa twitter ka ku faafiyey waxwa uu ku sheegay in ‘Ereyga suurtagal la’aantu’ aanu ku jirinba qaamuska dawladda Imaaraadka.

Isniintii 22 ka Abriil ayaa uu Bin raashid ka cadhooday gaabis badan oo ka muuqdah adeegga boostada e dalka Imaaraadka, kadidb markii uu ku war helay in dadku ay waqti sugaan safana u galaan, isaga oo cadhadaas muujinayana waxa uu bartiisa twiter ka soo dhigay sawir muujinaya dadka safka ugu jiray adeegga boosta, isaga oo dusha sarana kaga qoray, “Gacanyareyaashayda kama mid noqon karto cidda ku sii socota in adeegga heerkaas ah ay bixiso”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here