Dalka China Oo Ingiriiska Ka Codsaday Marada Af-Xidhka Ah Ee Cudur-Sidaha Coronavirus La Iskaga Ilaaliyo

0
792

 

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in dalkeedu uu baahi badan u qabo marada caafimaadka ee danka iyo afka lagu xidho, si looga hortago faafista cudursidaha ‘Coronovirus’ oo weli si xoog ah ugu sii faafaya gudaha dalka Shiinaha.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas Hua Shenyang oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in dalka Shiinuhu uu si degdeg ah ugu baahan yahay marada afka iyo sanka lagu daboolo  (Mask), muraayadaha iyo dharka balastiga ka samaysan ee laga xidho xanuunkan.

Dhinaca kalana dalka Shiinuhu waxa uu Maraykanka ku geedeeyey in uu ku talaxtegey xakamaynta muwaadiniinta Shiinaha ah ee u socda dalka Maraykanka. Isaga oo ku eedeeyey in Maraykanku uu doonayo in uu dareen argagaxiso ka abuuro xaaladda dalka Shiinaha, si uu u dhaawaco xidhiidhada dalkaas iyo dhaqaalihiisa.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinuhu waxa ay sheegtay in Maraykanku aanu wax caawimo muhiima ah ka geysan xaaladda. Isla markaana uu ahaa dalkii ugu horreeyey ee markii xanuunka la sheegayba dadkiisa ka daadgureeyey magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, isla markaana shuruudo cusub oo adag ku soo rogay dadka Shiinaha ah ee doonaya in ay Maraykanka tagaan.

Dalal uu Maraykanku u horreeyo ayaa tan iyo markii uu xanuunkani ka dillaacay dalka Shiinaha waxa ay soo rogeen tallaabooyin adag oo ay ku hor istaagayaan in ay muwaadiniintoodu tagto magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ama in cid magaaladaas ka soo jeeda oo aan muwaadiniin ahayn ay soo galaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here