“Anigu Isma Casilayo, Umana Socdo Inaan Iscasillo, Lacagna La Iskuma Casilo”

0
640

 

 Cabdirashiid Riyo-raac Oo Ka Hadlay Dareenkiisa Xubinta Guddigooda Ka Tirsan Ee Is Casilay

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha komishanka doorrashooyinka Eng.  Cabdirashiid Riyo-raac ayaa meesha ka saarray inuu ku fikiraayo inuu is casillo, waxaanu sheegay in arinta kala maqnaanshaha guddida doorrashooyinku aanay u oollin ee ay tahay arin siyaasad ahaan ay tahay in loo xaliyo.

Guddoomiyaha komishanka ayaa sidan sheegay kadib markii uu ka soo laabtay safar uu dalka dibaddiisa ugu baxay kaas oo uu sheegay inuu ku soo kaga soo qayb galay  kulanno muhiim ah, waxaanu meesha ka saarray cod dhawaan warbaahinta soo gallay oo kiisa u eeg, waxaanu u waramay weriye Maxamuud Fantastic oo ka tirsan telefishanka Sahan, Ugu horrayntii guddoomiyaha komishanka doorrashooyinka Cabdirashiid Riyo-raac  oo la waydiiyay inuu is casilaayo waxa uu yidhi“ Warkaasi waxba kama jiraan,lacagna ciddi isku casilli mayso xil qarran ayaanu haynaa  xilka qarranka iyo lacagtuna waa ay kala miisaan weyn yihiin, maanta komishan ayaan ahay xilkaas ayaana laydhaariyay ma jirto ismana casilayo ummana socdo inaan iscasillo, lacagtuna qofka ma iibsan karto, anigu ma garnaayo sida loo qiimeeyo, warkaasi waa waxba kama jiraan.”

Waxa uu guddoomiye Riya-raac uu been ku tilmaamay cod dhawaan warbaahinta bulshada soo gallay oo la sheegay inuu isaga yahay “ Warkaas waan maqlay oo waxba kama jirraan, waanad ogtihiin oo waa la sameeyaa komishineer hore ayaa laga sameeyay, wasiiro ayaa laga sameeyay codkaasi ma jiro  waa uun iska wax dhalinyaradu ay  iskabarratay iyo barnaamijyo iska jaban inta la samaysto  codadka dadka lagu sameeyo, arintaas waxaan leeyahay waxba kama jirraan, igamana suurowdo qof aanad garranayan in sidaas, maantana ma joogo xil beello Somaliland ah ama cid gaar ah aan ka maago ama xisbiyo aan ka maago sababtoo ah  anigu hadda siyaasadii waan ka baxay, imika nin dhexdhexaad ah oo komishineer ah oo aan darafna ahayn ayaan ahay.”

Waxa uu ka hadlay guddoomiyaha komishanku xubinta iska casishay guddidooda “ Waxna waa siyaasad iyo xal qarranka u yaala  waxna waa xilka aan haynno ee komishanka ah, anagu xil komishan ayaanu haynaa  waa naloo dhaariyay shaqona diyaar ayaanu u nahay in aanu shaqaynana diyaar ayaanu u nahay, xubintaas is casishay iskumaanu ogayn waan ka xumahay intii aan safarka ku maqnaa  ayay ahayd isaga oo xafiiska jooga oo shaqaynaaya oo aanay waxba xumayn ayaan ka tagey wax soo kordhayna hada ayaan madaarka marayaa war kama hayo.”

Ugu danbayn waxa uu ka hadlay safarka uu u baxay “ Safar shaqo ayuu ahaa komishankuna shaqooyin guddaha ah iyo kuwa dibada ahba waa uu leeyahay, markaas shaqo  dibada ah ayaanu u baxnay, wax baddan ayaa noo soo qabsoomay tabbabaradii ayaa ugu horreeya  oo bisha saddexaad aanu u baxayno, aqoon iswaydaarsi  iyo xirfadlayaal doorashooyinka ah sidii ay inoola shaqayn lahaayeen  ayaanu la soo heshiinay, waxa kale oo aan heshiis la soo galnay goobjoogayaasha xiliga doorashooyinka yimaadda oo doorrashooyinkeena illaalin doona, waxa kale oo aan u baxnay bahalkan indhaa lagu eeggo waynagii lahayn intii hore waxa uu ahaa in aanu qofku laba kaadh qaadan oo midkaliya lagu illaaliyo, laakiin maynu lahayn qaybta doorrashada lagu illaaliyo  ee qofku marka uu coddaynaayo indhaa loo saarrayo taasna waanu ka hawlgalnay  oo meeldhow ayay noo marraysaa  in aanu helno mishiino iyo qallab qof kasta oo codaynaaya macluumaadkiisa lagu hello oo gobbal walba la dhigo, hawl wacan ayaa noo soo qabsoontay bisha saddexaad ayaanay hawluu noo billaabmayaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here