Dalalka Xayiraadda Saaray Qatar Oo Shardi Ka Dhigay Xidhista Aljazeera, Saldhigga Milateriga Ee Turkiga Iyo In Iiraan Ay Xidhiidhka U Jarto 10 Cisho Gudahood

0
573

Qatar (Geeska)- Boqorka dalka Kuweyt ayaa dawladda Qatar gaadhsiiyey liiska shuruudda ay dalalka Sucuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar ku xidhayaan qaadista xayiraadda ay dalka Qatar saareen iyo wanaajinta xidhiidhkii diblumaasiyadeed ee ay la lahaayeen.

Qodobbada ay afarta dal ka dalbanayaan Qatar oo aan si rasmi ah loo shaacin ayaa masuul magaciisa qariyey oo ka tirsan mid ka mid ah afarta dal waxa uu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters. Shuruuddaas oo uu Geeska Afrika turjumayna waxa ay kala yihiin:

1. Iraan: In Qatar ay hoos u dhigto heerka metalaadda diblumaasiyadeed ee Iiraan ay la leedahay imika, iskuna koobto iskaashiga ganacsiga oo weliba ay ku ekaanayso waxyaabaha aanay cunaqabataynta dalalkani Iiraan saareen saamaynayn.

2. Turkiga: In Qatar ay si dhaqso ah u xidho saldhigga Milateri ee ay dalka Turkiga ka siisay dhulkeeda, isla markaana joojiso dhammaan iskaashiyada milateri ee ay Turkiga kula yeelanayso dhulka Qatar gudihiisa.

3. Xidhiidhka Argagaxisada: In Qatar ay xidhiidhka u jarto waxa lagu sheegay ‘Dhammaan ururrada argagaxisada ah iyo kuwa firqooyinka diineed la xidhiidha” ururrada ay afarta dal magacaabeenna waxaa ka mid ah, Akhwaanul-muslimiinta, Daacish, Al-Qaacida, Fatxu-Shaam oo Suuriya ka jirta iyo Xisbullaah.

4. Dhiibista argagaxisada: In Qatar ay dhiibto dadka argagaxisada ugu qoran dawladaha xayiraadda saaray Qatar ama ku jira liisaska Maraykanka iyo caalamiga ah ee argagaxisada.

5. Maalgelinta Argagaxisada: Dawladaha Afarta ahi waxa ay ka rabaan dawladda Qatar in ay joojiso dhaqaale siinta qof kasta, hay’ad kasta ama urur kasta oo argagaxiso, iyo dadka ku jira liisaska argagaxisada ee dalalkan Afarta ahi samaysteen iyo liiska argagaxisada ee Maraykanka iyo Qaramada Midoobey. Dalalka Afarta ahi waxa ay sheegeen in Qatar laga rabo in ay xayirto maalka iyo hantida maguurtada iyo guurtadaba ah ee ururrada, hay’adaha iyo shakhsiyaadka argagaxisada ugu diiwaan gashan afartan dal.

6. Magangelyo siinta argagaxisada: In Qatar aanay mustaqbalka magangelyo siinin cid ka mid ah dadkaas liisaska argagaxisada ee dalalkan ku jira, in ay soo gudbiso xog kasta oo looga baahdo oo dadkaas la xidhiidha, gaar ahaan dhaqdhaqaaqooda iyo warbixinahooda maaliyadeed. Waxa kale oo Qatar laga rabaa in ay soo celiso dhammaan xubnaha hore Qatar u joogay xayiraadda ka hor ee baxay markii xayiraadda la saaray Qatar, kadibna ay u dhiibto dalalka ay u dhasheen.

7. Aljazeera: In ay Qatar xidho Aljazeera iyo talefishannada raacsan ama ka farcamay iyo dhammaan qalabka warbaahineed ee ay dawladda Qatar taageerto.

8. Jinsiyadda: In Qatar ay joojiso jinsiyad siinta dadka sita jinsiyadaha afarta dal ee xayiraadda saaray. Iyo in ay joojiso waxa loogu yeedhay farogelinta ay ku hayso arrimaha gudaha ee dalalkan iyo danahooda dibadda.

Qatar waxaa laga rabaa in ay jinsiyadda kala noqoto qof kasta oo afarta dal u dhashay oo ay hore u siisay jinsiyadda, si aan waafaqsanayn xeerarka afarta dal iyo in ay dalalkan u dhiibto liiska cid kasta oo dalalkooda u dhashay oo jinsiyadda Qatar hore haystay.

9. Siyaadadaha iyo istaraatiyadda qaran: Dawladaha Afarta ahi waxa ay dalka Qatar ka rabaan in ay dhinac kastaba kala jaanqaaddo dalalka Khaliijka iyo Carabta. Sida in ay kala mid noqoto siyaasadaha amniga qaran ee Khaliijka iyo Amniga qowmiga ah ee Carabta. Taas oo macnaheedu yahay in laga rabo in aanay qaadan siyaasado iyo xidhiidho diblumaasiyadeed ee dalalkan ay kaga duwan tahay.

10. Magdhow: Sucuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar waxa ay Qatar ka rabaan magdhowga dhammaan wixii khasaare hore uga soo gaadhay waxa ay ugu yeedheen siyaasadaha dawladda Qatar ee hore.

Magdhowgaas iyo dhaawacaasna waxaa la iskula meel dhigayaa heshiiska ay dalalkan iyo Qatar kala saxeexan doonaan haddii ay dawladda Qatar ogolaato dalabaadkan.

11. Mucaaradka dalalkan ee Qatar jooga: Qatar waxaa laga rabaa in ay soo dhiibto dhammaan xogaha ay hayso ee la xidhiidha mucaaradka afarta dal, ee ay taageerta. Iyo in ay caddayso nooca taageero ee ay siisay.

12. Heshiiska la’ geli dooni: Afarta dal ee Sucuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar waxa ay sheegeen in heshiiska ay la saxeexan doonaan Qatar haddii ay ogolaato dalabaadkoodani uu noqon doono heshiis cad, oo leh qodobbo la taaban karo, oo fulintooda iyo fulin la’aantooda la fahmi karo.

Waxa ay dalbadeen in heshiiskaas sannadka hore ee uu dhaqangelayo loo samayn doono warbixin joogto ah oo bil kasta lagu ogaanayo waxa ka fulay iyo waxa la jebiyey. Sannadka labaadna saddexdii biloodba mar dib loo eegi doono sida ay Qatar u fulisay, Tobanka sano ee ku sii xigana sannad kasta la samayn doono warbixin lagu eegayo in Qatar ay weli heshiiska fulintiisii ku taagan tahay.

13. Fulinta dalabaadkan: Qatar waxaa laga rabaa in ay dhammaan dalabaadkan sidooda u fuliso muddo 10 maalmood gudahood ah, haddii aanay muddadaas ku fulinna waxa ay Afarta dal u qaadan doonaan in la diiday dalabaadkaas.

Liiskan ayaa dalalka xayiraadda laga sugayey muddadii bisha ku dhoweyd ee ka dambaysay markii ay xayiraadda saareen dalka Qatar, waxa aanay timid maalmo yar kadib markii dawladda Maraykanka oo la filayo in marka hore Sucuudigu ku wargeliyey xayiraaddan uu wasiirkeeda arrimaha dibaddu si adag uga hadlay dib u dhaca dalabaadka dawladahani ka rabaan Qatar.

Yaa shuruudda fashiliyey:

Shuruuddan oo sida muuqata ay dalalka afarta ahi ugu talogaleen in aan warbaahinta loo gudbin ayaa markiiba warkeedu u dusay warbaahinta dunida, arrintaas oo keentay in wasiirudawlaha arrimaha dibadda ee dalka Isu-tagga imaaraadka Carabta Anwar Qarqaash ku eedeeyey dalka Qatar in uu faafiyey, isaga weliba sheegay in faafinta shuruuddaasi ka mid tahay dadaal ay Qatar ku doonayso in ay fashiliso dhexdhexaadinta Kuweyt.

Laakiin wakaaladda wararka ee Reuters ayaa iyadu sheegtay war ka duwan kaas wasiirka oo sheegaya in masuul sare oo ka tirsan mid ka mid ah dalalka afarta ah ee Qatar xayiraadda saaray uu u sheegay liiska dalabaadka dalalkoodu ka rabaan Qatar.

Dhinaca kalana wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Qatar ayaa faafinta dalabaadkan eeddeeda saartay dawladaha Afarta ah iyo talefishanka Alcarabiya oo laga leeyahay dalka Sucuudiga.

Turkiga:

Dawladda Turkiga oo dalka Qatar la gashay heshiis milateri oo ay ciidamo ku geysay dalka Qatar, dhowaanna dhoolatus milateri dalkaas la samaysay ayaa iyaduna dhaqso uga jawaabtay dalabka ay dalalka Afarta ahi ku doonayaan in ciidamada Turkiga laga saaro Qatar.

Wasiirka difaaca ee dalka Turkiga Fikri Eishaq ayaa markii dalabaadka afarta dal dibadda u soo baxeen si adag u sheegay in dalabka dalalka afarta ahi ku doonayaan xidhista saldhigga Turkiga ee Qatar uu yahay farogelin lagu sameeyey xidhiidhka labada geesoodka ah ee Qatar iyo Turkiga.

Wasiirka oo warbaahitna la hadlay ayaa sheegay in ujeedada saldhiggoodu ay tahay in la xoojiyo ammaanka gobalka Bariga Dhexe.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sababta ugu badan ee dalalkani uga soo horjeedaan talefishanka Aljazeera ay tahay iyaga oo ka cabsi qaba in uu ku soo faruuro doodo la xidhiidha xorriyadda warbaahinta iyo dadka ee dalalkooda oo aad loo cabudhiyo iyo dawladda Masar oo tan iyo intii uu madaxweyne Cabdifataax Siisi xukunka ka afgembiyey madaxweynihii sida dimuqraaddiga ah loo soo doortay ee dalkaas, la arkayey in Talefishanka Aljazeera uu ka diyaariyo warar iyo warbixinno uu kaga soo horjeedo afgembiga iyo weliba nidaamka dalkaas ka dhashay.