“Islaamku Wuxuu La Dagaalamay In Zekada Lagu Bixiyo Meel Aan Ahayn Meesheedii”

0
692

Hargeysa (Geeska) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay bixinta Zekaatul-fidriga oo ku waajibtay Qof Kasta oo ka mid ah Muslimiinta.

Sheekhu wuxuu faahfaahin ka bixiyey Ujeeddooyinka loo waajibiyey isagoo soo xiganaya Axaadiista Rasuulkeenna Muxamed (CSW), inta uu Qofku bixinayo, Xilliga la bixinayo iyo waxa Qofku uu dhanka ILAAHAY kaga helayo.

Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Zakada bixinteedu waa Waajib, waxa la yidhi Zekada 2.5% ILAAHAY baa leh, marka ay Lacagtaadu gaadho 85gram oo Dahab ah oo u dhigma Maanta 6 kun iyo Shan boqol oo Dollar waxa Zakada kaa go’aya 2.5%, waa Nidaamka Islaamku keenay, wixii intaa ka badan ee Qofka Muslimka ahi bixiyo waa Sadaqo.  Zakada markii Nidaamkii Islaamka ee toosnaa lagu maamulay waxay gaadhay in la waayo Qof bani-aadam ah oo baahan.”

Sheekh Aadan-Siiro waxa kale oo uu sheegay “Islaamku wuxuu la dagaalamay in Zakada lagu bixiyo meel aan ahayn Meesheedii. Saxaabigii uu Nebigu Zakada u diray markii uu soo noqday wuxuu yidhi, intanna waa Zakadii, intanna Nimankii aad ii dirtay baa ii soo dhiibay, Innagana Qofku intuu Wixii Ummadda qaatay ayuu odhanayaa Sannad walba waan soo xajayaa, Cadaabbay ku noqonaysaa, Waayo? Xalaashuna way caddahay, Xaaraantuna way Caddahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Zakada yaynaan u fahmin wax Qof keliya oo Bani-aadam ahi bixiyo, ee waa Waajib Saaran Dawladda Islaamka ah ee markaa joogta inay iyadu ururiso Zakada oo ay gaadhsiiso Dadka fuqorada ah ee Jilicsan. Nidaamka loo bixinayaana waa Degmo degmo ahaan, Islaamku wuxuu Degmada u yaqaanaa 84KM (oo dhinac walba ah), 84-kaa KM Dadka deggan ayaa Zekadooda siinaya Foqoradooda, marka intaasi isku fillaato ayaa wixii dheeraad ah ay u gudbinayaan Degmooyinka ku xiga, kaasina waa Nidaamka Islaamka. Zakadu waa waajib saaran Qof kasta oo Muslim ah, ha yaraado, ha waynaado, ha noqdo Qof Lab ah ama Qof Dhediga ah, ha noqdo Qof Addoon ah ama Qof Xor ah, waxaana Qof walba bixinayaa Afar Saac (Saacu waa Sacabbada Qof dhexdhexaad ah oo Raashinka la cuno ah) sida uu Rasuulku (CSW) sheegay.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud oo khudbaddiisa sii wata ayaa sheegay “Sida Rasuulku (CSW) inoo sheegay, Xikmadda loo bixinayo Zakadu waa in wixii Laqwi ah ama Deel-qaaf ah ee ka dhacay Qofkii soo Soomanaa (ajarkii uu ku waayay) u dhamaystirto, kuwa Foqorada ahna ay wax u tarto. Waayo? Islaamku waa Nidaam is dhamaytiraya, waxaanu la dagaalamay Qof kelidii wax noqda. Islaamku wuxuu la dagaalamay Kootada ama in Kooxi ka faa’ideystaan waxa Dadku leeyihiin.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Muslimiinta waxa halkaa dhigay waxay ka tageen Nidaamkii Zekada ee Islaamku lahaa iyo ilaalintiisii, laakiin markii la fuliyey waxa la waayay Qof Muslim ah oo baahan, illaa ay gaadhay in Mushahar la siiyo Dadkii aan Muslimka ahayn ee Muslimiinta ku dhex noolaa, waxay gaadhay in Qofku marka uu Dhasho Mushahar loo qoro illaa inta uu shaqo ka helayo.”

Sheekhu waxa uu ka hadlay Xilliga la bixinayo Zekada “Zekada waxa la bixinayaa intaan Salaadda Ciidda la tukan, Qofka xilligaa bixiya waa Zekadii lagu waajibiyey oo way ka baxday ayuu yidhi Rasuulku CSW, haddiise Salaadda laga tukado waxay noqonaysaa Sadaqo (Caadiya), markaa Culimaduna waxay leeyihiin waa in Zekada la bixiyaa habeenka Ciiddu soo gelayso marka Cadceeddu dhacdo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Zakaaatu-fidriga waxa loogu talo-galay in Maalinta Ciidda la waayo Qof Muslim ah oo gaajoonaya.”