Dalladda SSE Iyo Xusuusta Sanadguuradii 57aad E 26 June 1960

0
546

Guddiga fulinta ee dalladda SSE oo ah dalad ay ku bahoobeen qurbe joogta Somaliland ee qaaradda Yurub ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray xuska sannad guurada 57aad ee 26 June 1960 oo ah maalintii ay reer Somaliland xorriyadooda ka qaateen Ingiriiska.

Warsaxaafadeedka oo ay ku saxeexnaayeen guddiga fulinta ee SSE, wuxuu u dhignaa sidan

“Dallada xidhiidhisa bulshada reer Somaliland ee Yurub (Somaliland Society in Europe) waxay shacabka Somaliland la qaybsanaysaa munaasabada iyo xasuusta sannad guurada 57aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland ku guuleysatay inay madaxbannaanideeda hesho isla markaana la soo afjaro 72kii sanno ee Somaliland ahayd Maxmiyad ay xukunto Boqortooyada Midowday (UK).

Waa maalin aynu ka xasuusano halgankii qadhaadhaa iyo tacabkii adkaa ee ay dadweynaha reer Somaliland u soo mareen sidii loo heli lahaa gobannimo dhammaystiran. Waa maalin lagu xasuusto markii kumannaan shicibka reer Somaliland ahi ay u soo dareereen xuska xorriyaddii la helay. Waa maalin kulmisay dhammaan qaybaha kala ee bulshada reer Somaliland si loo wadaago dareenka farxadeed ee xorriyadda.

Waa maalin lagu ku xasuusto heesaha, gabayada iyo suugaanta quruxda badan ee lagu gardaadiyay damaashaadka loo sameeyay gobannimada la gaadhay. Waxa aan la hilmaami karin oo lagu xasuustaa in maalintaa iyo afartii maalmood ee ka dambeeyay ay Somaliland dal cusub oo xoroobay u aqoonsadeen waddamo dhan 35. Waa maalintii innoo samaysay taariikh iyo baadi sooc inoo khaasa iyo in aynu nahay waddan xor ah oo leh xuduudihiisa caalimga ah ee u gaarka ah.

Iyadoo maalintani ay innoo leedahay xasuusahaa dahabiga ah ee lama illaawaanka ah ayaa dhowr maalmood ka dib aynu ku tallaabsanay khaladkii taariikhiga ahaa ee aynu xorriyadeenii si bilaa shuruud ah ugu geynay waddanka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya. Kow iyo sodon sanno oo dulmi iyo cadaadis ah waxaa ka dambeeyay halgan iyo dagaal adag oo lagu waayay kumannaan qof, burbur baahsan oo dhammaan deegaamada dalka loo gaystay, kala qaybin iyo iska horkeen la dhex dhigay bulshada reer Somaliland. La soo noqashadii xorriyadeyni aynu si deg deg ah u luminay waxaa lagu dhawaaqay 18kii May 1991.Taas oo ay aad uweyneeyaan shacabku xuska taariikhda dib ula soo noqoshada qaranimada Somaliland.

Dallada SSE waxay munaasabada 26ka Juun u aragtaa inay ku duugantahay taariikhdeena dal ahaansho. Dallada SSE waxay idinla wadaagaysaa hambalyada iyo xuska maalintan iyo inaynu dhallaankeena iyo dhallinteena la qaybsano taariikhda ay maalintani inoo leedahay. Gunaanad ahaan Dallada guud ee xidhiidhisa Jaaliayadaha Somaliland ee Yurub ( SSE ) waxay baaqan hambalyada ah raacineysaa:

• Xasuusin qiimaha ay leedahay gobannimadu iyo xorriyadda ma huraan ah oo had iyo jeerba ah in la ilaaliyo.

• Dardaaran Xukuumadda iyo Shicibka reer Somaliland in aan marnaba la sahashan qiimaha ay inagu kacdey Qaranimada iyo xorriyada aynu maanta dugsanayno isla markaana wax walba laga horumariyo sidii loogu faro adeygi lahaa ilaalinta danta guud.

• Hannaanka geedi socodka Somaliland wuxuu weli marayaa marin dhib badan oo ka gudubkiisu u baahanyahay isku duubni iyo wadashaqeyn, waanan soo daweyneynaa wada hadallada Somaliland iyo Khaatumo oo ah boogo dhayis lagaga soo kabanaayo kala qoqobkii laga dhaxlay midowgii burburay ee Somaliland iyo Somaliya.

• Waxaanu mar kale u soo jeedinayna xukumadda Somalia, maamuladeeda iyo shacabkoodaba in hadda 27 sano ee Somaliland xorriyaddeedi la soo noqotay ku caano-maashay , muddadaas oo u dhiganta muddaddi midowgii Somaliland iyo Somalia oo sannadiihiisi ug u dambeeyey ee siddeetankii ay ahayeen dagaal iyo burbur. Waxa la gaadhay hadda waqti aynu si nabad ah u noqono laba dal oo jaar ah oo danta mandaqadda ka wada shaqeeya.

Alle ayaa mahad leh,

Guddiga Fulinta ee Dallada SSE