Dalalka Afrika Ee Mamnuucay Kiriimada La Isku Caddeeyo Iyo Cudurrada Laga Qaado Oo La Ogaaday

0
647

London (Geeska)- Dalka Ivory Coast ayaa si rasmi ah u mamnuucay soo dejinta, ka ganacsiga iyo isticmaalka kiriimada jidhka lagu caddeeyo, iyaga oo arrintaas u cuskaday sababo dhinaca caafimaadka la xidhiidha. Wasaaradda caafimaadka ee dalka Ivory Coast ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in Kiriimada iyo walxaha ee maqaarka lagu caddeeyo iyo sidoo kale kiriimada La isku nadiifiyaa, ama midabbeeya maqaarku in ay dalkaas mamnuuc ka yihiin.

Kiriimadda la isku-caddeeyo ayaa sannado badan ay isticmaalkooda caan ku ahaayeen dumarka oo dhalinyarada u badan iyo mararka qaarkood ragga Afrikaanka, waxaana isticmaalkooda xoojiya aaminsanaanta ku badan qaaradda madow ee ah in caddaanku uu qurux ku kordhinayo qofka. Laakiin waa soo kordhaya digniinaha caafimaad ee ay khubaradu ku sheegayaan in kiriimadani ay keenaan Kansarka, macaanka, iyo xanuunno badan oo ku dhaca maqaarka iyo guud ahaanba jidhka.

Justin Kluk oo ah dhakhtarad ku takhasustay maqaarka iyo cudurrada ku dhaca ayaa waraysi ay siisay BBC qaybteeta Afingiriisiga siiyey waxa uu ku sheegay in cabashada ugu badan ee jirtaa ay tahay kiriimo iyo wax-soo-saar badan oo aan nidaam sharciga waafaqsan ku soo bixin, kuwaas oo laga cabsi qabo in ay ku jiraan maaddooyin dhib ku keenaya caafimaadka maqaarka sida Mercury ama xaddi badan oo ah maadadda Steroids.

Dhakhtaraddu waxa ay sheegtay in Kiriimada leh maaddooyinka kor ku xusan oo ah kuwa la isku qurxiyaa ay qofka ku keeni karaan dhiig kar, macaan, lafa-burbur, miisaanka oo kordha, niyadda qofka oo xumaata, arrimahaas oo ku imanaya xaddiga tirada badan ee uu jidhku ka nuugayo maadadda Steroids eek u jirta kiriimadan.

Dalka Gambia ee galbeedka Afrika ayaa isna hore u mamnuucay isticmaalka Kiriimadan in kasta oo weli dalkaas lagu arko dad isku caddeeya, dalka Koonfur Afrika ayaa isagu Kiriimada la isku caddeeya ka soo saaray shuruucda dunida oo dhan ugu adag ee ka dhanka ah is-caddaynta, waxa aanu dalkaasi mamnuucay guud ahaanba dhammaan kiriimada iyo dawooyinka ay ku jiraan maaddooyinka maqaarka lagu caddayn karo, laakiin haddana daraasad ay samaysay jaamacadda Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa lagu ogaaday in in ka badan saddex meelood meel dumarka dalka Koonfur Afrika ahi ay weli isticmaalaan kiriimada la isku caddeeyo.

Dalka Nigeria ayaana ah dalka qaaradda Afrika oo dhan ay dadkiisu ugu isticmaal badan yihiin Kiriimada la isku caddeeyo, Daraasad ay sannadkii 2008da samaysay haayadda Qaramada Midoobey u qaabilsan deegaanka ayaa caddaysay in boqolkiiba 75 dumarka dalka Nigeria ay isticmaalaan Kiriimada la isku caddeeyo.