Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Somaliya, Kana Soo Jeeda Somaliland Oo Shalay Muqdisho Lagu Dilay

0
424

Picture4Muqdisho(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay magaalada Muqdisho lagu dilay Marxuum Yuusuf Maxamed Dirir oo ka tirsanaa Baarlamaanka Somaliya balse dhalasho ahaan ka soo jeeday Somaliland. Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarka.

Xildhibaanka ayaa waxa rasaas la beegsaday koox hubaysan waxaana sidoo kale isna weerarkaas ku geeriyooday darawalkiisii oo isna ka soo jeeday Somaliland. Kooxda dablayda ah ayaa rasaas tiro badan huwisay baabuurka marxuumka.

Marxuumka ayaa waxay walaalo ahaayeen guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi. Waxaana sidoo kale uu dhaawac fududi soo gaadhay Xildhibaan Cabdalle Boos oo isna ka tirsan Baarlamaanka Somaliya kana soo jeeda dhalasho ahaan Somaliland.