Wada Hadaladii Mucaaradka Iyo Xukuumadda Oo Natiijo La’aan Ku Dhammaaday, Doodihii Dhinacyada, Mawqifkii Adkaa Ee Waddani Iyo Odayayntii Faysal Iyo Cali-Gurey

0
482

Picture5Hargeysa(Geeska)-Wada hadalkii shalay u furmay xukuumadda iyo KULMIYE oo isku dhinac ah iyo labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID ayaa mar kale ku dhammaaday natiijo la’aan, ka dib markii ay dhinacyadu is afgarad buuxa ka gaadhi kari waayeen khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay muddo kordhintii golaha guurtida.

Kulanka oo shalay ka dhacay hoteelka Ambassador, isugunra jiray qado iyo fadhi, ayaa wuxuu saddex saacadood iyo badh 2:00 -5:30 galabnimo, ka dib ku dhammaaday waxba la’aan, waxaana loo balamay in Isniinta beri la isugu soo noqdo kulan dambe.

Madaxweyne-xigeenka Md. Saylici oo shirka guddoominayay, oo markii shirku xidhmay saxaafadda la hadlay ayaa yidhi "Sida aad la socotaan, waxaa socda maalmahan shirar lagaga arrin sanaayo arrimihii doorashooyinka iyo khilaafka uu keenay dib u dhaca doorashooyinku, maanta waa maalintii Labaad runtii hawsha la hayaana hawl yar maaha, waa hawl qaran oo aad mugeeda u leh, culayskeeda u leh, rog rogeedana leh, wax maanta cusub oo go'aan ah oo la gaadhay oo aan idiin sheegaynaa ma jiraan, hadalkii waa uu sii soconayaa Insha Allah, waxaan dib loo balamay maalinta Isniinta Insha Allah haddii Alleh ka dhigo oo bishu ay noqonayso 25. iyada hadalku u sii soconaayo sadexda xisbi qaran iyo xukuumada. Hawshu meel fiican ayaa ay maraysaa wax kale oo jiraana ma jiraan arrinta awgeed ayuunbaanu wakhtigaas aanu u balanay, wax ismarin waa ah oo la idiin sheegayaana ma jiraan, sida dabiiciga ahna gar Laba nin loo qaadayo ayaa yeelata oo wakhtiyo badan oo todobaado ah qaadata, waaba arrin dhan oo masiiri ah oo dalka loogu talinaayo.".Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylaci.

Maxaa ismari-waaga sababay?

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in sababaha keenay in xal  siyaasi ah la gaadhi waayo ay yihiin aragtiyaha kala fog ee dhinacyada shirka ka qayb galayay, taas oo sabab u noqotay natiijo la’aanta uu shalay shirku ku dhammaaday.

Xaraaradii sare u kacday

Geeska Afrika xogaha uu helay ayaa sheegay in xaraaradda shirku ay dhawr goor kor u kacday, ka dib markii ay hadaladu kululaadeen islamarkaana uu dhinac waliba sheegay inaanu ka tanaasulayn mawqifka uu aaminsanyahay ee siyaasiga ah.

Ergada ka socotay xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ayaa ku dheganaa muddo kordhinta ay golaha guurtidu sameeyeen, iyagoo halkaas ka soo jeediyay in ay xisbiyada mucaaradku aqbalaan go’aanka golaha guurtida oo ay ku tilmaameen distoori. Waxase ay sheegeen inay gogosha fidiyeen oo ay dhagaysanayaan doodda xisbiyada mucaaradka

Xisbiga Waddani ayaa madasha la tagay dood adag oo ah inuu xisbiga Waddani taaganyahay in doorashooyinka lagu qabto wakhtigii ay gudiga doorashadu u cayimeen ee ahaa 1 June 2016 islamarkaana muddo kordhinta lagu saleeyo sannadka ay guddiga doorashadu iclaamiyeen.

Xisbiga UCID ayaa isagu qaatay mawqif dhexdhexaad ah, waxaanu soo jeediyay in la qaato aragti dhexdhexaad ah oo u dhaxaysa muddo kordhinta ay guurtidu samaysay iyo wakhtiga ay guddiga doorashadu cayimeen taas oo u muuqata in xisbiga UCID ku taaganyahay in muddo kordhinta lagu saleeyo soo jeedintii ay hore isula qaateen xisbiyadu ee ahayd 15 November 2016. Waxaanu UCID xal siyaasi ah ku soo jeediyay in la qabto doorasho laga soo horumariyo wakhtiga ay guurtidu muddo kordhinta ku salaysay.

Shirka waanu ka baxaynaa

Markii natiijo la isla gaadhi waayay islamarkaana la isu jeediyay eeddo weerar iyo weerar celis ah, Xisbiga Waddani ayaa ku hanjabay inuu shirka ka baxayo, waxaanay ergadii ka socotay u holodeen inay albaabka ka baxaan mar haddii sida ay sheegeen aanay jirin wax tanaasul ah oo ay xukuumadu la timid lana kala taaganyahay aragtiyihii hore.

Hase yeeshee waxa joojiyay oo in Waddani shirka ka baxo si adag uga gurmaday xisbiga UCID gaar ahaan guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Mujaahid Cali-Gurey oo kaashanaya Madaxweyne-xigeenka shirka guddoominayay Md. Saylici oo si degen uga dalbaday Waddani inay ixtiraamaan shir guddoomintiisa oo aanay shirka ka bixin. Cali-Guray iyo Faysal ayaa ku guulaystay inay madaxda xisbiga Waddani ka baajiyaan inay shirka ka baxaan, waxaanay odayaasha UCID codsadeen in la ixtiraamo madaxweyne-xigeenka shirka guddoominaya oo aan laga bixin shirka, soo jeedintaas oo ay ergada Waddani oo uu hoggaaminayay Cabdiraxmaan-Cirro aqbaleen.

Gunaanad

Markii ay dhinacyada kulmayay isla gaadhi waayeen xal siyaasi ah islamarkaana uu dhinac waliba ku adkaystay mawqifkiisa uu aaminsanyahay, ayaa madaxweyne-xigeenka Md. Saylici wuxuu saddex saacadood iyo badh uu shirku socday ka dib ku dhawaaqay in la isugu soo noqdo kulan dambe Isniinta beri, isagoo sheegay inay xukuumad ahaan isku noqonayaan, islamarkaana u soo jeediyay xisbiga Waddani inay iyaguna isku noqdaan. Waxaana sidaas ku soo xidhmay kulankii shalay furmay oo Isniinta beri haddii Alle idmo la isugu soo noqonayo.

Dhinaca xukuumadda iyo KULMIE waxa shirka uga qayb galay guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ku xigeenkiisa Maxamed Kaahin Axmed, xoghayaha guud Xasan Siciid Yuusuf iyo wasiirka daakhiliga Cali Maxamed Warancade. Dhinaca Waddani waxa shirka uga qayb galay Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ku xigeenkiisa Axmed Muumin Seed, xoghayaha arrimaha gudaha Mustafe Maxamuud Qodax, xoghayaha arrimaha siyaasadda Maxamuud Raage iyo xoghayaha guud Maxamed Cabdillaahi Uurcade. Dhinaca UCID waxa shirka uga qayb galay guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ku xigeenkiisa 3aad Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey), murashaxa madaxweyne-xigeen Cabdirashiid Muumin Seed, ku simaha xoghayaha guud Naasir Yuusuf Qodax.