Hurdada Waqtiga Dheer Ahi Waxa Ay Kor U Qaaddaa Khatar Ah In Qofka Uu Cudurka Macaanku Ku Dhaco

0
569

London (Geeska)- Xeeldheerayaal caafimaad ayaa sheegay in haddii qofku uu hurdo saacado ka badan waqtiga dabiiciga ah uu khatar ugu jiro in uu ku dhaco cudurka macaanka noociisa labaad, gaar ahaa dumarka ku jira da’da dhexe iyo kuwa da’da weyn labadaba. Xeeldheerayaashu waxa ay sheegeen in calaamadaha cudurkan ay ka mid tahay qofka oo maalintii lulo badan yeesha iyo in marka uu seexdo uu saacado badan hurdo.

Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in cudurka macaanka noociisa labaad sababaha keena ay ka mid yihiin, miisaanka badan, qofka oo caajis noqda oo oo firfircoonida iyo xarakaadka jidhku ku yaraadaan. Waxa ay dhakhaatiirtu aaminsan yihiin in cudurkan si sahal ah la isaga ilaalin karo haddii la raaco nidaam nololeed isu dhamaystiran isuna dheelli tiran, tusaale ahaan in qofku uu hurdada in ku filan ka qaato, maadaama oo ay muhiim u tahay nolosha caafimaad ee aynu raadinayno, in qofku uu jimicsi iyo xarakaad jidhka iyo maskaxdaba ah sameeyo si uu u ilaaliyo caafimaadkiisa maskaxeed iyo jidheed.

Khubaradu waxa ay sheegeen in laba saacadood iyo ka badan oo ku biira saacadaha caadi ahaan hurdada qofka ugu filan, ay boqolkiiba 15 kor u qaadayso khatarta ah in qofkaas uu ku dhaco cudurka macaanku, taas oo ah qiyaas aad u badan marka loo eego sababaha kale ee iyaguna cudurkan keena.