Dal Ay Ku Badatay Dumarka Oo Raggooda Garaacaa Iyo Haweenka Aqoonta Leh Ama Shaqada Sare Haysta Oo Noqday Kuwa Ugu Badan Ee Saygooda Gacan Ula Taga

31
2780

Aljeeris (Geeska)- Waxaa dalka Aljeeriya aad ugu batay garaacista ay dumarka dalkaasi ku samaynayaan raggooda marka ay ka cadhoodaan. Dhaqankan oo dalkaas iyo guud ahaan dunidaba aad ugu yar ayaa dalkaas ka dhex abuuray warwar iyo doodo bulsho oo adag, gaar ahaan markii uu xaalku gaadhay in ay arrintan ka hadlaan cisbitaalladii la geynayey dhaawaca ragga ay xaasaskoodu soo garaacaan.

War uu baahiyey taleefishanka Sky News oo soo xigtay wargeyska A-shuruuq ee ka soo baxa dalka Aljeeriya ayaa lagu sheegay in Cabdiraxmaan Khayruddiin oo ah guddoomiyaha waaxda caafimaadka sharciga ah ee cisbitaalka Bashiir Muntawri uu caddeeyey in sannad gudihii loo keenay rag tiradoodu ka baddan tahay 200 oo ay dhaawacyo kala duwan soo gaadhsiiyeen xaasaskooda oo garaacay. Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in tirada tirada ragga sannadkaas dumarkoodu dhaawaceen ee soo gaadhay sagaal cisbitaallada jaamacadaha ka mid ah oo keliya ay gaadhayso 2000 oo dhibbane

Guddoomiye Khayrallaah waxa uu intaas ku daray in cisbitaalku uu toddobaadkii u dambeeyey bishii ina dhaaftay uu qaabilay 3 nin oo dhaacayo khatartoodu kala duwan tahay qaba, kaddib markii ay xaasaskoodu garaaceen. Isaga oo intaas ku daray in tiradaas badan ee ay arkeen ay haddana tahay uun ragga aan awoodin dhaqaalaha caafimaadka ee soo doonanaya daryeelka caafimaad ee lacag la’aanta ah. Arrintaasi waxa ay marag u tahay in tiradu intaas aad uga badan tahay oo ay jiraan rag badan oo si madax bannaan cisbitaallada dalka isaga daweeyey.

Waxa uu guddoomiyuhu sheegay in gacan ka hadalka qoyska ee ay dumarku geysanayaan dhibtu ku badan taha yqoysaska isku cusub ee muddada guurkoodu aanay laba sano ka badnayn. Dumarka gacan ka hadalka ugu badan geystay ayaa ay tirakoobyadu muujinayaan in ay yihiin kuwa aqoonta waxbarasho leh, ee bulshada magaca ku dhex leh ama shaqooyinka sumcadda fiican haysta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here