Danjire Cawil Oo Warbaahinta Somaliland Ka Waaniyay Inay Soo Badhigaan Qabiilada Masuuliyiinta Dawlada

41
3459

Hargeysa(Geeska)-La taliyaha madaxweynaha ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ayaa warbaahinta Somaliland ka waaniyay inay bulshada u bandhigaan qabiilada ay ka soo jeedaan masuuliyiinta ka tirsan dawladda Somaliland ee xilalka loo dhiibo.

Danjire Cawil, oo xalay la soo xidhiidhay Geeska Afrika, wuxuu sheegay inuu ka murugooday markii uu warbaahinta qaarkeed ku arkay iyagoo soo bandhigaya masuuliyiinta la magacaabay iyo qabiilkiisa, waxaanu sheegay in arrintaasi halis ku tahay nabadgelyada Somaliland iyo isku duubnimada shacabka.  “Dawladnimadii aynu lixdankii helnay waxa inaga baabiiyay jacayl Soomaaliweyn iyo dareen qabiil oo horseeday burburkii xorriyadeenaas. Ayaamahan waxaan warbaahinta Somaliland qaar ka mid ah ku arkay wax aad looga xishoodo oo ah in warbaahintu baahinayso qabiilada shaqaalaha dawladda ee xilalka loo dhiibo. Waa arrin ugub ah oo ka fog xadaaradda iyo ilbaxnimada, waa laga soo gudbay wakhtigii qabiilka iyo markii la isugu faani jiray qabyaaladda. Waxaan warbaahinta Somaliland kula talinayaa oo aan aad ugu waaninayaa inay joojiyaan soo bandhigista beelaha dadka xilalka dawladda loo dhiibo. Masuulka la magacaabo laguma eego oo laguma soo xulo qaab qabiil ee waxa loo eegaa wuxuu dalka u qaban karayo, haddii uu waxba qaban kari waayana xilka waa laga qaadaa oo shaqada waa laga fadhiisiyaa. Dawladu qofka ay u aragto inuu xilkaas gudan karo iyadaa magacowda, haddii uu ku fashilmana waa la fadhiysaa, laakiin ma jiro qabiil iyo reer hebelnimo wax lagu soo xushaa.  Markaas arrintani waxay ka farxinaysaa cadowgeena, waxay sidoo kale su’aal gelinaysaa bisaylkeena oo bulshada caalamku waxay is odhan karaan umadda noocan ah laguma aamini karo aqoonsi. Markaas waxaan aad uga waaninayaa warbaahinta inay umadda u soo bandhigaan waxyaabaha noocan ah, dalalka jaarkeena iyo dunidba warbaahintoodu qaabkan uguma waramaan shacabkooda. Waxaan sidaas daraadeed madaxda warbaahinta Somaliland ka codsanayaa inay joojiyaan dhaqanka noocan ah, waana arrin lagu tilmaami karo qaran dumis, waayo umadii ayaabay waxyaabaha noocan ahi iska horkeeni karaan.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here