Dahab Shiil Oo Ku Guulaystay Inay Maxkamada UK Hakiso Go’aanka Baanka Barclays

0
3807

Picture2Shirkadda xawaaladda ee Dahabshiil ayaa ku guuleysatay in dib loo dhigo go'aanka bangi British ah Barclays oo ay isku hayeen xidhitaanka sanduuqa xawaaladaha loo diro Soomaaliya.

Dahabshiil ayaa dacwad geysay maxkamadda sare ee London, iyada oo ku doodeysa in dib loo dhigo muddo laba toddobaad ah go’aankaas baanka Barclays, waxaana ay sheegtay in lacagta ay diraan dadka dibedda jooga haddii laga joojiyo ay gobalka Geeska Afrika ay taasi abuureyso dhibaato 

Barclays ayaa waxa uu shalay wakhti u qabtay inuu xidho sanduuqa ay shirkadda Dahabshiil ku lahayd bangiga, taasi oo uu sheegay in uu kaga hortagayso in si sharci darro ah lacago loogu gudbiyo.

Shirkado kale oo xawaaladeed oo tiro badan ayaa dhammaantood uu Baanku joojiyay, marka laga reebo Dahab Shiil oo loolan u gashay inay maxkamadda ku qanciso in mudada ay doodu socoto la hakiyo xayiraadaas.