Sirdoonka Kenya Oo Aaminsan Inuu Baxsaday Ninkii Alifay Weerarkii Suuqa Westgate

6
621

Picture1Nairobi (Geeska) – Warbaahinta dalka Kenya oo maalmihii u dambeeyay aad u qorayey wararka la xidhiidha weerarkii kooxda Al-shabaab ku qaaday xaruntii ganacsi ee West Gate, ayaa soo bandhigay Magaca nin loo malaynayo inuu ahaa Hogaamiyihii Kooxda weerarka fulisay isla-markaana ahaa maskaxdii ka dambaysay hanaanka weerarkaasi loo agaasimay.

Wargeyska Sunday Nation, ayaa shalay daabacay xogo uu sirdoonka ka helay oo sheegaya in ninkaasi baxsaday markii uu bilaabmay weerarkii Al-shabaab ku qabsatay West Gate, waxaanu wargeysku sheegay in ninkaasi ay iska dhaleen waalid u kala dhashay Yurub iyo qoomiyadda Masayga ah ee dalka Kenya. Ninkan ayaa kooxda weerarka fulisay marka hore geeyay suuqaas, markii uu weerarku dhacayna wuxuu dhex raacay dadkii yaacayay.

Ninkan oo Magaciisa uu Wargeysku ku sheegay Abu Sandheere, ayuu sheegay inuu xarunta Ganacsi ee West Gate ka baxay markii kooxdii la socotay uu ku hogaamiyey inay gudaha u galaan “Wuxuu ku hogaamiyey dagaalyahanadu inay galaan Moolka, dabadeedna wuxuu la baxay dadkii firxadka ahaa” sidaa waxa  uu Wargeysku ka soo xigtay ilo Mukhaabaraad, kuwaasi oo intaasi ku daray “Waxaanu markaa ka dib u safray xuduudka, waxaanu galay Soomaaliya”

Abu Sandheere, ayaa ilo-wareedyo wargeysku soo xiganayaa sheegeen inuu Soomaaliya gaadhay Jimcihii u dambeeyay, inkasta oo xuduudka Somaliya iyo Kenya aad loo adkeeyay ishana lagu hayey kooxaha argagixisada ah ee firxaya.

Abu Sandheere, ayaa waxa la tilmaamay inuu arimaha basaasida iyo hawlgalada gaarka ah gobolka ugu qaabilsan yahay kooxda xidhiidhka la leh Al-qaacida ee Al-shabaab, waxaana la saadaaliyey in weerarkii West Gate ka dib laba weerar oo Argagixisadu gobolka ka fuliso.

Dhanka kale, sida wargeysku sheegay ciidamada Sirdoonka Kenya ayaa tilmaamay in Abu Sandheere yahay qof si wanaagsan wax u bartay oo ka soo baxay Jaamacadda Al-Azhar.

Comments are closed.