Wasiirka Khaarajiga Oo Ka Hadlay Wada Hadalka Somaliland Iyo Soomaaliya

1
540

Picture4Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis,ayaa daboolka ka qaaday in wada hadaladii ay Somaliland la lahayd ay doonayaan inay talka Turkiga oo gogasheeda dhigay ay ku qanciyaan inuu balaadhiyo dalalka dunida ee ka soo qayb galaaya si arinka loola wada socdo,waxaanu xusay in aanay wadahadalada wax fiican wali ka soo baxin ayna hada dar dargalinayaan gundhiga wadahadalada loo galay.

Waxa uu sida oo kale wasiirka arimaha dibadu uu sheegay inay maanta u baxayaan dalka Turkiga iyaga oo halkaas u tagaaya dhaqaale raadsi iyo sidii ay Turkiga uga codsan lahaayeen inuu Somaliland mashaariic u qabto.

Waxa uu sidan ku sheegay wasiirka arimah dibada Maxamed Biixi Yoonis mar uu shalay hor yimi golaha guurtida oo ay su’aalo halkaas ku waydiiyeen,isaga oo ugu danbayntiina sheegay in hadda si adag uu u qaabili doono in aan wasiir ka tirsan xukuumadu isaga baxi karin dibada iyada oo aanu ogalaansho ka haysan wasaarada arimah dibada si loo ilaaliyo nidaamka dawladnimo.

Wasiirka oo ugu horayntii la hadlaayay mudanayaasha golaha guurtida waxa uu yidhi “Wasaaradda Arrimaha dibadaba Somaliland sida aad ula socotaan ama iigu muuqato waa muraayadii dalkan, aniguna sida aad la socotaan 40 sano oo dhawdhaw waxa aan la shaqayay hay’addaha caalamiga ah, khibradayduna halkaas bay u badan tahay,Waxa aan u arkaa in ay tahay wajigii la inaga arkayay hawsha inoo taala ee loo baahan yahay in aynu iska wada kaashanaa waa mid badan, ilaahay ayaa mahad leh, marka labaadna idinka ayaan idiin mahad celinayaa, nabaduna waxa ay tahay mida keliya ee horumar dal ku gaadhno, idinkuna waxa aad tihiin odayadii dalkan seeska u dhigay.”

Wasiirka arimaha dibada isaga oo ka hadlaayay wadahadalada Somaliland iyo Somaliya waxa uu yidhi “Runtii dalka Turkiga oo walaaladeen ah, wadan muslimana ah  ayaa ina dhexdhexaadinaya dalka Somaliya, walaaladeen reer Muqdisho waxa ay mar walba leeyihiin wada hadaladii si fiican ayay u socdaan waanan ku soo dabaalaynaa walaaladeen, waxa aan leeyahay arrinta Somaliland waa mid muqadas ah, waana rabitaanka Somaliland in ay gaarkooda u taagnaadaan,Taas waxa aanu leenahay yaan umadda war khaldan loo sheegin, waxaana laga yaabaa in bisha soo socota ay wada hadalada qaybteedii kale bilaabmaan.Wada hadaladan dambe waxa lagaga wada hadlayaa qodobo door ah, waxanaan rajaynaynaa in ay noqdaan kuwii laba wadan oo walaalo ah ay ku wada noqon lahaayeen oo isku barbar nool anaguna aanu dawladnimadayada kula soo noqon lahayn.”

Wasiirku isaga oo arintaas ka sii hadlaaya waxa uu yidhi “Jaarka ma dooran kartid markaas waxaanu leenahay jaarnimo iyo walaltinimo aynu ku wada noolaano, oo waliba walaaltinimada inaga ayaa xil iska saarna waayo wararka beenta u badan ee la leeyahay way soo socdaan iyaga ayaa sameeya iyada oo caalamku uu xaqiiqada ogyahay Xamar taala oo safiirka waraaqaha u sida waxa lagu sidaa taangi, nabadina ma taalo oo madaxweynuu aqlkiisii ayaanu ka baxi karin oo AMISOM ayaa ilaalinysa.wada hadaladeenii meel wacan may gaadhin, waanan ku faraxsanahay in aynu wada hadlayno laakiin deg degii iyo horu socodkii aynu filaynay umay dhicin,talada noo taalaa waxa weeye in sidan ay wax u socdaan aanay ina anfacayn iyaguna ay la soo taagan yahiin midnimo inana aynu la soo taaganahay xoriyadayadii waanu la soo noqonay horiyadayaduna waa mid aanu hore u haysan jirnay,markaas hada inaan farsamo kale uga wareegno oo walaaladeena Turkiga aanu ku qancino hawshan in la balaadhiyo oo caalamku ka soo wada qab galo sidii Sudan iyo Konfurta Sudaan loo wada arkaayay wadmada faraha badan ee maanta kala tagay sida ay u kala tageen markaas inaan si deg deg ah xoghaymaheedii iyo dad joogta ah iyo hawsheeda galno,iyaguna tanbay labada ku caano maalayaan anaguse dad aad iyo aad u deg deg san ayaanu nahay mana sugi karno inaan mudo sugno inay si deg deg ah waxanu u dhaqaaqaan iyaguna runta way ogayhiin oo sidaan wax u wada qabsan lahayn inaga oo jaar ah oo walaalo ah loo gaadhi lahaa, cilaaqaad badana waa la yeelan karaa.”

Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Biixi oo la waydiiyay bal sida uu u arko wasiirada iyo xubnaha xukuumada ka midka ah ee dunida isaga goosha waxa uu yidhi “Sida ay aniga iigu muuqato ee madaxweynaha iyo xukuumadiisana aan kula taliyay ee ay ila qaateen waxa ka mid ah hadii aynu ictiraaf doonayno waa in inagu aynu is ictiraafnaa waa in aynu u dhaqanaa sidii dawladeed sidaynu u shaqaynaynaana waa inay noqoto sidii dawladi ay u shaqayn jirtay, waa dhab wasiiro badan ayaa iska baxa wasaarada khaarajiguna ma oga meshay qabanayaan safiirka joogaana ma oga ma dhacayso,mana ogalaanayno inay dhacdo waa in wasiir kasta oo tagayaa uuna soo maro waxa uu u tagaayo aynu ogaano safaaradayada aan la hadalno balamaha loo qabto laga hor yimaado lana maamuuso oo isaga oo baratakoolkii dawladnimo iyo wadanka uu matalaayo sita, si aanay u dhalin wasiir iska mudh mudh leh oo dal taga si aynu isugu habayno sidii qaranimo,waxaan ku dadaalayaa inaan joojiyo waana wax aan dhici doonin.”

Ugu danbayntii wasiirka arimaha dibada oo waxa ay xildhibaanadu ka waydiiyeen safarka ay dhawaan dalka kaga baxayaan halka ay ku tagayaan iyo u jeedadiisa waxa uu yidhi “Safarkan aanu bari ugu baxayno Turkiga waa nala soo casuumay oo raysal wasaaraha ayaa na soo casuumay,waxaanu u tagaynaa inaan la kulano dawlada Turkiga inaan waxa waydiisano, sidaad la socotaan dawlada Turkigu waxay inoola dhaqmaysay sidii laba dal oo walaalo ah inaga iyo Xamar madashii wada hadaladana way inoo diyaarisay,laakiin markay waxtar noqoto waxtarkoodu waxa uu u badan yahay Xamar,balamo hore oo ay inoo soo qaadeen ayaa jira maraas waxaanu goosanay inaan waxii daba galno oo aan nidhaahno hadii aanu idiin simanahay anagana wax la’aan ayaa na haysee waxaanu xaq u lahayn inay tix galiyaan oo ay wax inoo qabtaan,markaas safarka aan u soconaa waa mid aan si leenahay dhaqaale iyo mashaariic siday Xamarba u siiyaan idina haydiin siiyaan.”  

Comments are closed.