Qurbe-joogta Dibadda Oo Soo Bandhigay Qorshe Kor Loogu Qaadayo Heerka Ganacsiga Dalka

0
1184

Picture3Hargeysa(Geeska):-Kulan balaadhan oo lagu soo bandhigaayey Barnaamij kor loogu qaadayo heerka ganacsi ee ganacsatada dalka oo ay maal galinayaan qurba-joogta Somaliland ee ku nool dalalka Yurub iyo Maraykanka ayaa shalay lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Kulankan lagu soo bandhigaayey barnaamijkan ayaa waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada,ganacsatada dalka,masuuliyiin ka socday Haayadaha ka shaqaynaaya isku xidhka barnaamijka,masuul ka socda barnaamijka Somaliland Business fund,Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha Dibada,Agaasimaha guud ee wasaarada Warshadaha iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Barnaamijkan oo soconaya muddo Saddex billood ah ayaa waxaa ka shaqaynaysa isku xidhkiisa Haayada Bed Network oo isku xidhi doonta ganacsatada iyo sida oo kale dadka qurba joogta ah ee maal gashiyada wada. Md:Ismaaciil Cawl oo ah masuul sare oo ka socday  Haayada Bed Network oo halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu ugu horeyn uu halkaasi faah faahin kaga bixiyey ujeedada barnaamijkan ay ku maal galinayaan ganacsatada dalka,isaga oo carabka ku dhuftay in barnaamijkani uu yahay mid ay dadka ka faa’idaysanayaa ay ku soo qoranayaan qorshe ganacsiyeed kaasi oo kuwa laga dhex doorto in barnaamijkaasi socdo ay qurba joogta reer Somaliland ay u maal galin doonaan.  "barnaamijkan waxaa ka faa'idaysan doona dadka reer Somaliland iyada oo aanu kor u qaadayno heerka ganacsi ee dalka oo ah in dadka laga taageero sidii ay u samaysan lahaayeen ama ay kor ugu sii qaadi lahaayeen ganacsi,waxaanan aamin sanahay in ganacsigu uu yahay shayga kaliya ee suurta galin kara in dhaqaalaha wadanku uu kor u kaco,markaa anagu waxaanu nahay isku xidh oo waxaanu u dhaxaynaa dadka reer Somaliland ee ganacsiga abuuraya iyo dadka runtii maal galinaaya ee qurba joogta oo mashruucan waxaanu ka soo bilawnay dalka Holand deedna sidaas ayaa aanu ugu sii gudbinay dalalka kale ee Yurubta oo qurba joogtoodu ay dadka maal gashanayaan markaa lacagta la bixinayaana maaha lacag layska kaa siinaayo laakiin waa lacag Amaah ah ama dayn ah oo aad iska soo celinayso,markaa barnaamijkan waxaanu ugu tala galnay in aanu ku dhiiri galino sidii ay qurba-Joogtu ay dalkooda u maal gashan lahaayeen markaa dadku anaga ayaa ay nala soo xidhiidhayaan si aanu deedna iskugu xidhno dadkii qurba joogta ahaa ee maal gashiga ganacsiga samaynaayey,waxaana uu barnaamijkani uu socon doonaa”Ayuu yidhi Ismaaciil Cawl. Khaalid Xasan oo isna sida oo kale ka socday Haayada Spark oo ay barnaamijkan ka wada shaqaynayaan Haayada Bed Network,waxaana uu isna dhankiisa ka hadlay barnaamijkan isaga oo tilmaamay in ay u jeedada ka danbaysa in ay barnaamijkan dalka ka hirgaliyaan,waxaana uu carabka ku adkeeyey in ay ka shaqaynayaan isku xidhka ganacsiga dalka iyo qurba joogta dibada. "Anigu waxaan ka tirsanahay haayada Spark oo iyaduna ka dhisan Dalka Holand,Haayada Bid-na iyo Spark-na labadubana waa haayado caalami ah oo ka dhisan Wadanka Holland,waxaanu ka wada shaqaynaynaa barnaamijkan oo aanu si xidhiidh uga wada leenahay,ujeedada mawduucan laga leeyahayn maaha oo qudha kor u qaadida ganacsiga sida oo kale waxaa ay u jeedadayadu ay tahay isku xidhka ganacsiga,taasina waxaa ay fursad wayn u siinaysaa dadka reer Somaliland oo ay in uu sii dadajiyo kor u kaca dhaqaalaha wadanka oo waxaa la yidhaahda marka dhaqalaha laga hadlaayo dee hadii imika qof wadanka gudihiisa jooga uu lacag ku siiyo waxba u umuu tarin dhaqaalihii guud ee dalka waayo waa wax dalka gudihiisii ka dhacaysa,laakiin marka dalka dibadiisa laga keeno waxaa markiiba isbadalaaya dhaqaalihii dalka,oo markaa barnaamijkanina dee waxaa uu ka imanayaa waa dalalka Yurubta iyo waliba maraykanka" intaa ka hor se dadka waxaa la sii barayaa oo laga taageerayaa sidii loo samayn lahaa cilmi baadhis dhinaca Suuqa ah(Market Research),waxaanu ka caawin doona oo aanu siin doona qofka tobabaro aanu kaga dhisayno qorshe samaynta ganacsiga iyo waliba wax alleh waxii aanu ka taageeri karnaba"Ayuu yidhi Khaalid Xasan. Agaasimaha guud ee Wasaarada arrimaha dibada Md:Maxamed Xasan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si aada ugu dheeraaday doorka ay qurba joogta dalku ay ku leeyihiin horumarka dalka. "Wasaarada arrimaha dibadu waxaa ay muhiimada koowaad ay saarta waxa weeye sidii dalku Ictiraaf u heli lahaa,laakiin in Ictiraaf la helo waxaad mooda in ay laba arrimood ay ka soo horeeyaan oo mid waa ka dajinta shuruucda dalka iyo hirgalintodaba taana dee waa inaga nidaamka dhisanay oo inagu aynu Xuduudaheena gacanteena ku maamulano, arrinta kale se waxaa ay tahay in si mugleh laysaga dhiso dhinaca hada aad inoogu yar oo Dano Dhaqaale(Economic Diplomcy)kaasi oo ah ka labaad ee hada adduunyadu ictiraafka ku bixiso kaana cida kor u qaadi karta ee ka shaqayn kartaa waa Qurba joogta,dalkastaan sida ay qurba jootiisu ay isagu tiirsan tahay ayaa uu wadankaasi wadamada kale uga quwad badan yahay dhinaca dhaqaalaha,ka wasaarad ahaana waxaanu aad u rajaynaynaa in aanu dhisi doono in wadanka kasta oo dibada ah in aanu samayn doono magaalo walba meelo ay ku qurba joogtu ku yeelato qunsuliyado si ay meel walba safiiro uga noqdaan taasi oo suurta galin karta in doorkooda horumarineed ee dalka ay ka qayb qaataan"Md:Maxamed Xasan. Ugu danbayntii oo uu munaasibadaasi soo afmeeray agaasimaha guud ee Wasaarada Warshadaha oo isna halkaasi ka hadlay ayaa dhankiisa soo dhaweeyey barnaamijkan cusub ee lagu taageerayo ganacsatada dalka,waxaana uu sheegay in ay u fududayn doonaan waxii hawlo ah ee dhinaca Wasaaradooda khuseeya. "Runtii arrinta laga hadlayaa waxaa ay fursad u yihiin horumarin ganacsiga iyo wax soo saarka dalkaba iyada oo ay Wasaarada Warshadahu ay si aada u soo dhawaynayso ururka hawshan wada kana gacan siino waxii farsamo ah ee fudaynaaya hirgalinta barnaamijkan"Ayuu yidhi Md:Cabdi Guray.