Daraasad Maraykan Ah Oo Caddaysay In Dumarka Soomaalida Ahi Ay Is Caddaynta Ku Talax Tagaan

0
1210

Picture5Washington (Geeska)- Saynisyahanno u dhashay dalka Maraykanka ayaa daraasad ay sameeyeen ku ogaaday in dumarka Soomaalida ah eek u nool Maraykanku ay qabana dareen nafsiya oo ah in ay ku qasban yihiin in ay isticmaalaan kiriimo khatar ku ah caafimaadka oo dubka (Maqaarka) lagu caddeeyo si ay u gaadhaan heerka dhaqan ahaan ay Soomaalidu quruxda u taqaanno. Dumarkii Soomaaliyeed ee intii daraasaddan la waday ay khubaradu waraysiga la yeelatay ayaa dhammaantood qirtay in ay isticmaalaan ugu yaraan hal Kiriim oo ka mid ah kuwa jidhka lagu caddeeyo, badankooduna ay isku daraan afar ama tiro aad uga badan oo kiriimo kala duwan ah kadibna jidhka mariyaan si ay u caddaadaan.

Daraasaddan oo ujeedadeedu ahayd in lagu ogaado Is-caddaynta iyo saamaynta ay maadadda Mercury ku yeelatay bulshada Soomaalida ayaa sidoo kale caddaysay in ay dumarka Soomaalidu kiriimadan khatarta ku ah caafimaadka ee ay isku caddaynayaan isticmaalaan xataa marka ay uurka leeyihiin ama ay carruurtu jaqayso.

Daraasaddan oo soo baxday dabayaaqadii sannadkii ina dhaafay ee 2013ka waxa uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay degelka Internet ka ee Cosmetics Design oo laga leeyahay dalka Maraykanka oo ah shabakadaha ka faallooda arrimaha la xidhiidha qurxinta jidhka ka loogu akhriska badan yahay woqooyiga Maraykanka, ayaa lagu sheegay in sababaha ay dumarka Soomaalidu u dhaqaan midabkooda dabiiciga ah ay ka mid tahay; In ay kor u qaadaan aqbalaadda nafsiga ah ee ay bulshada Soomaalidu aqbalayso qofka. (In aan la jidh diidin quruxdooda oo la saluugsan yahay awgeed) iyo In ay iskaga tirtiraan baraha madow iyo calaamadaha kale ee uurku uu kaga tago wejiga, si ay gabadhu kor ugu qaaddo fursadaha ay ninkeeda ku soo jiidanayso (Ku xiiso gelinayso).

Amiira Caddaawe oo ah gabadh Soomaaliyeed oo caafimaadka baratay, kana mid ahayd khubarada daraasaddan diyaarisay ayaa iyada oo arrintan ka hadlaysa tidhi, “Soomaalidu, gabadha quruxda badan waxa ay u taqaannaa gabadha uu midabkeedu khafiifka yahay (Cad yahay)” Laakiin in badan oo ka mid ah kiriimada la isku caddeeyo ee yaalla suuqyada gobolka Minnesota ee ay Soomaalidu ku badan tahay ayaa tijaabooyin lagu sameeyey lagu ogaaday in ay ku jiraan maaddooyin ay ka mid yihiin Mercury iyo Neurotoxin oo labaduba caafimaadka u daran, saamayn tabanna ku yeesha carruurta uurka ku jirta iyo ilmaha naaska jaqaya. Sidoo kale waaxda caafimaadka ee Minnesota oo daraasaddan ka duulaysa ayaa shaybaadh ay ku samaysay 54 nooc oo ka mid ah kiriimada la isku qurxiyo ee yaalla suuqyada waxa ay ku ogaatay in 11 ka mid ah ay ku jirto xaddi u dhexeeya 135 illaa 33’000 oo ah maadadda Mercury, taas oo ay khubaradu sheegeen in ay khatar ku tahay xataa ilmaha yare e laga yaabo in uu hooyadii oo marsan kiriimkan taabto.

Daraasaddan oo fikirkeedu ka dhashay waraysi sannadkii 2011ka laga qaaday toddoba dumara Soomaaliyeed ah oo ku nool Minnesota, kuwaas oo sababo badan oo ay sheegeen in ay ku kallifaan Is-caddaynta ay ka mid ahaayeen; in ay iska tirtiraan baraha madow ee uu wejigu yeesho xilliga uurka, in hablaha gashaantimaha ahi ay ragga soo jiitaan iyo in ay bulshada dhex geli karaan oo aanay ka soocnaan.