Dadka Uu Dhiiggoodu ‘O’ Yahay Oo La Sheegay In Aanu Dhibaato Ku Keenin Xanuunka Coronavirus

0
1067

Weli waxa uu muran ka taaganyahay suurtagalnimada in ay jiraan noocyo dhiigga bani’aadamka ka mid ah oo keena nidaam isdifaac dabiici ah oo uu jidhku iskaga saari karo Fayraska Coronavirus. Si kastaba ha ahaato ee xogo ay samaysay shirkad Maraykan ah oo ka shaqaysa cilmibaadhista hidde-sideyaasha ayaa tilmaamaya in dadka uu nooca dhiiggoodu ‘O’ yahay ay leeyihiin awood ay iskaga difaaci karaan ‘Coronavirus’ oo ka badan awoodda dadka la midka ah ee dhiiggoodu uu noocyada kale yahay.

Wargeyska The Independent ee dalka Ingiriiska ka soo baxa ayaa ku warramaya in tijaabo weli socota oo illaa hadda laga qaaday dad tiradoodu ka badan tahay 750 kun ay ka soo baxeen natiijooyin hordhac ah oo muujinaya in suurtagalnimada in xanuunka COVID-19 uu qofka ku dhacaa ay dadka uu nooca dhiiggoodu yahay ‘O’ ay boqolkiiba 14 ka yartahay dadka uu dhiiggoodu noocyada kale yahay. Sida oo kalana ay boqolkiiba 19 ka dadka kale kaga badan yihiin ka bogsashada xanuunka.

Natiijadan sheegaysa in dadka dhiiggoodu ‘O’ yahay iska difaacaan Coronavirus waxaa u marag kacaya natiijada natiijada sahamin hore loogu sameeyey noocyada dhiigga dadka cisbitaallada loo geeyo ‘COVID-19’ oo muujisay in dadka dhiiggoodu ‘O’ yahay ay ku yartahay kuwa uu xanuunku xaaladahooda khatarta gaadhsiiyo, marka la barbar dhigo dadka la midka ah ee dhiiggoodu noocyada kale yahay.

Noocyada dhiigga ee uu ‘Coronavirus’ ku badan yahay.

Natiijada tirakoobyo lagu sameeyey warbixinaha caafimaad ee dadka qaba ‘Coronavirus’ ayaa iyaguna muujiyey in dadka uu nooca dhiiggoodu yahay AB ay yihiin kuwa ugu badan ee uu xanuunku ku dhaco. Sahamin lagu sameeyey 10 kun oo qof ayaa muujinaysa in dadka cisbitaallada loo dhigay xanuunka ‘COVID-19’ ay u badan yihiin kuwa uu dhiiggoodu yahay AB.

Dhiigga ‘A’

Sahamin bishii March 2020 ka lagu sameeyey cisbitaalka Zhongnan ee jaamacadda Wuhan ayaa lagu ogaaday in 2 kun iyo 173 bukaanka COVID-19 ka mid ahi ay u badan yihiin dadka uu dhiiggoodu ‘A’ yahay.  Xeeldheereyaasha caafimaadka ee dalalka Spain iyo Talyaaniga oo ahaa labada dal ee adduunka ugu darnaa xanuunka COVID-19 ayaa iyaguna ogaaday in nooca dhiigga qofku ay si aad ah ugu xidhan tahay awoodda difaac ee jidhku u leeyahay ‘Coronavirus’. Baadhitaannada ay dhakhaatiirtani sameeyeen ayaa muujiyey in uu jiro curiye awood ka hortag u leh Coronavirus oo ay leeyihiin dadka uu nooca dhiiggoodu ‘O’ yahay.

Baadhitaanno hore loogu sameeyey Fayraskii la midka ahaa Coronavirus ee SARS oo sannadkii 2002 dillaacay ayaa iyaguna daahfuray in dadka dhiiggoodu ‘O’ yahay ay Fayraskaas uga adkaysi iyo ka hortag badnaayeen dadka dhiiggoodu noocyada kale yahay.

Sababaha

Inkasta oo aan cilmi ahaan la xaqiijin sababaha keeni kara in dadka dhiiggoodu ‘O’ yahay ay adkaysi iyo ka hortag u yeeshaan xanuunka COVID-19, haddana waxaa jirta in nooca dhiiggu uu inta badan saamayn ku leeyahay xinjirowga dhiigga. Waxaana la ogyahay in xinjirowga dhiiggu ay ka mid tahay sababaha sii xumeeya ‘COVID-19’. Sidaas awgeed dhiigga noociisu ‘O’ yahay oo inta badan noocyada kale kaga yar dhinaca xinjirawga ayaa la filan karaa in ay ka mid tahay sababaha uu xanuunkani ugu yaraanayo ama ay adkaysiga badan ugu yeelanayaan.