Marwo Edna Aadan Oo Ka Hadashay Qodobka ‘Is-Dhex-Galka’ Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Shaki Laga Muujiyey

0
556

Hargeysa (Geeska) – Drs. Edna Aadan Ismaaciil oo ka mid ahayd Guddigii Somaliland ku matalayey Wada-hadalladii Soomaaliya ee ka qabsoomay Dalka Jabuuti ayaa ka hadashay qodobbo cusub oo 22-kii bishan ka soo baxay Shirkaasi, kuwaasi oo qaarkood shaki abuureen.

Qodobbada ka soo baxay Shirka Jabuuti ee Shacabka reer Somaliland sida weyn uga shakiyeen waxa ka mid ah Qodob lagu heshiiyey oo ah in la fasaxay Is-dhex-galka Bulshada, Ciyaaraha, dhaqanka iyo Ganacsiga.

Edna Aadan Ismaaciil oo Warbaahinta kula hadashay Magaalada Hargeysa ayaa sheegtay in ‘is-dhex-galka’ laga hadlayaa aanu ahayn mid dhibaato ku keenaya Somaliland, Labada Shacab ee Somaliland iyo Soomaaliyana horaba isku dhex socdeen.

Edna oo Arrimahaa ka hadlaysaana waxay tidhi “Ilaa Maalintii aynu Dalkeena Nabadaynay waxa inoo imanayey Dad meel kasta ka yimaadda oo xitaa Soomaaliya ka yimaadda, baayac-mushtarku wuu ina dhex socdaa, Tukaamo ayay ku leeyihiin (Reer Soomaaliya) meherado badan bay ku leeyihiin, wax dhibaato ahna ma geystaan (reer Soomaaliya) iyagana looma geysto. Dadku wuu is dhex socdaa, Ardaydeenu xaggaa ayay tagaan  (Xamar), Xaggaana way ka yimaaddaan, markaa wax dhibaato ah oo isku socodkaas ahi ma jiro, ta dhibaatada aanu u aragnaa waxa weeyaan Qofka ku talo-gala inuu socdaalkaa ku yimaaddo oo uu dhibaato geysto ama dibin-daabyo abuuro, markaa kaa ma ogolin.”

Edna waxa kale oo ay sheegtay “Haddii koox Ciyaartooy ahi timaaddo oo lagu soo dhex qariyo Somaliland rabshad ha laga dhigo (Sameeyo), marka horaba Baarashuud ku soo daadan maayaan oo Madaarka diyaaradaha ayay soo marayaan oo waxay u imanayaan ayaa laga wada-hadlayaa, markaa yaan ba’biso la isku ridin. Somaliland-na intaas ka weyn oo ka maskax wanaagsan, Sidaad dhibaatada u aragtaan ayaanu annaguna u aragnaa.

Waxba yaan ba’biso la idiin ridin, Somaliland dhayalkaa inooga muruxsan mayso’e..”

Edna waxa kale oo ay ka hadashay Qodob ka hadlayey Maamulka Hawada, kaasi oo sheegayey in Somaliland iyo Soomaaliya wada Maamulayaan Hawada “Diyaaraduhu dalka ay dul-marayaan ayay Masuuliyadi ka saaran tahay, markaa ta aanu ka wada-hadalnay waxa weeyaan, Diyaaradaha maraya Cirka Somaliland iyo kuwa maraya Cirka Soomaaliya mid walba inuu masuul ka ahaado oo aynu wada hoggaamino, Waayo? Diyaaradda dalkayga soo gasha ee Soomaaliya u sii socoto waa inaynu ka wada xidhiidhnaa, ta xaggaa (Soomaaliya) ka imanaysa ee i dul-maraysa ama fadhiisanaysa waa in laga wada-hadlaa.” Ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay oo ay hadashay deeqaha ay Beesha Caalamku siiso Somaliland iyo Soomaaliya “Deeqaha, wixii Somaliland loogu talo-galay, haddii la soo marinayo Soomaaliya ma ogolin, qaybtayada waxaanu doonaysaa si sharaf leh (la noo siiyo) oo halka lagu qaybinayo aanu goob-joog ahaano oo wixii Soomaaliya loogu talo-galay toos loo siiyo, wixii Somaliland loogu talo-galayna toos la inoo siiyo ee aan la odhanin waxa la idiinku soo dhiibay dalkaa kale.”