Xisbiga KULMIYE Oo Jid Halis Badan Afka Saaray Iyo Madaxweyne Siilaanyo & Muuse Biixi Oo Midkood Toddobaadkan Kar-Kaarka La Weydaarinayo

0
701

2020Hargeysa(Geeska)-Xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa u muuqda inuu afka saaray jid halis gelinaya meeqaamkii iyo awoodii uu xisbigu ku dhex lahaa bulshada Somaliland, ka dib markii uu khilaafka ka dhex jiraa saacad saacad u sii siyaadayo. Khilaafkan, oo labadii sannadood ee u dambeeyay soo taagnaa, balse bishan si rasmi ah banaanka ugu soo baxay, ayaa maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaya. Guddiga hoggaaminaysay shirweynihii xisbiga, ayaa magacaabay liiskii golaha dhexe iyo guddiga fulinta ee ee xisbiga, waxaanay ku doodeen inay sharciyada ku taaganyihiin oo ay magacaabista golaha dhexe u mareen shuruucda xisbiga. Guddoomiyahah xisbiga oo magacaabistaas ku gacan saydhay ayaa isna habeen hore magacaabay guddiga fulinta ee xisbiga oo ka kooban 36 xubnood, guddigaas oo marka laga reebo hal wasiir, dhammaan xubnaha golaha wasiiradu ka maqanyihiin, waxaanu markaas xisbigu u kala qaybsamay laba garab oo midna uu ka socdo Madaxweyne Siilaanyo midna uu Muuse Biixi horkacayo. Garabka guddiga fulinta KULMIYE ee ka socda dhinaca madaxtooyada oo uu weheliyo madaxweyne xigeenka Md. Saylici iyo xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, ayaa shalay si rasmi ah u cayimay wakhtiga uu qabsoomayo shirweynaha golaha dhexe, oo ah golihii dhexe ee uu hoggaanka xisbigu ku gacan saydhay, waxaanay ku dhawaaqeen in 1 June oo ah Axada soo socota uu shirweynaha xisbigu qabsoomi doono, waxaanay guddoomiye Muuse Biixi iyo ku xigeenkiisa Maxamed Kaahin Axmed, ay ugu baaqeen inay ka soo qayb galaan.

Go’aamadan iska soo horjeeda oo ah kuwo xaaladda sii shiday, ayaa u muuqda inaanu dhinacna doonayn inuu tanaasul ka sameeyo, waxaanay si toos ah uga soo fulayaan Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, oo dagaal siyaasadeed oo muddo huursanaa hadda la arkayo inay isu cadaysteen. Madaxweyne Siilaanyo wuxuu adeegsanayaa awooda dawladeed, halka uu Muuse isna adeegsanayo awoodda xisbiga.

Intaas waxa dheer hadalo hanjabaad iyo digniin xambaarsan oo ka soo baxaya labada dhinac, marka ay sidaas tahayna waxa xidhmay inta badan albaabadii wada hadalka, waxaana la sugayaa shirweynaha uu garabka Madaxweyne Siilaanyo iclaamiyay toddobaadka dambe, waxaana hubaal ah in Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, midkood la weydaarin doono kar-kaarka siyaasadeed. Sababta ismaandhaafkooda soo dedejisayna  waa murashaxnimada madaxweyne ee uu guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ku dhawaaqay, isagoo madaxweyne Siilaanyana mid ka mid ah wasiiradiisa soo dhex mariyay inuu yahay murashax.

Geesta kale, mid kasta oo guulaystaa, waxa hubaal ah inuu khilaafkani xisbiga kaga tegi doono riiq siyaasadeed oo daba dheeraada, taas oo sababi doonta in xisbigu aakhirka ka siibto salaanka siyaasadeed ee Somaliland.

Si kastaba ha ahaate, waxa ay bulshadu u dheg taagaysaa Madaxweyne Silaanyo iyo Muuse Biixi, midka guulaysta, sidoo kalena waxa la eegayaa shirweynaha golaha dhexe ee KULMIYE ee toddobaadka dambe iyo go’aamada ka soo baxa.