Dadka Ku Nool Deegaannada Colaaduhu Ka Jiraan Shanti Qofka Mid Baa Qaba Xanuun Dhimirka

0
732

Hay’adda Caafimaadka adduunka ayaa caddaysay in dadka ku nool deegaannada dagaaladu ka jiraan, shantii qof ee kasta ee ka mid ahba uu midi qabo xaalado nafsadeed oo qulub, warwar, isku buuq iyo Khalkhal ah, bulshada oo uu ka dhex faquuqmo, oo dhammaantood lagu tiriyo in ay ka mid yihiin xanuunnada dhimirka.

Hay’adda WHO oo ka tirsan Qaramada Midoobey waxa ay sheegtay in baadhitaannada cilmiga ahi ay muujinayaan in dagaaladu ay qofka kaga tagaan xaalado caafimaad darro dhinaca dhimirka ah oo muddo fog kaddib ku soo baxa. Meelaha ugu badan ee xaaladahaas dhowaanahan lagu arkayna waxaa ka mid ah dalalka Afqaanistaan, Ciraaq, Koonfurta suudaan Suuriya iyo Yemen.

Cilmibaadhayaal ka tirsan hay’adda caafimaadka ee WHO oo arrintan daraaseeyey ayaa sheegay in dadka xaaladaha colaadeed ku soo noolaaday ay mar kasta u baahan yihiin ka warhayn caafimaad oo dhinaca maskaxda ah iyo in ay helaan daryeel gaar ah oo hoos loogu eegayo xaaladdooda.

Colaadaha ayaa sannadihii u dambeeyey aad ugu soo batay adduunyada, sannadkii 2016 kii tirakoobyada Qaramada Midoobey waxa ay muujinayeen in 57 colaadood ay ka jireen 37 dawladood, taas oo macnaheedu ahaa in boqolkiiba 12 dadka adduunku ay xaalado colaadeed ku dhex noolaayeen.

Sahamintu waxa ay sheegtay in intii ka dambaysay dagaalkii labaad ee adduunka dad gaadhaya 69 Milyan oo qof ay sababo colaado iyo dagaalo ah dhulalkooda uga qaxeen.

Daraasaddu waxa ay muujinaysa in celcelis ahaan isku buuqa iyo qulubka ku dhaca dadka dhulka colaadaha ku nooli uu ku badan yahay dadka waaweyn, marka dhedigga iyo labka laga hadlayana uu dumarka kaga badan yahay ragga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here