Dadka Baraha Bulshada Ee Internet Ka Isticmaala Oo La Ogaaday In Wararka Ay Helaan Boqolkiiba 86 Been Yihiin

0
878

Washington (Geeska)- Rayi ururin caalamiya oo natiijadeeda la faafiyey salaasadii 11-ka Juun ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 86 dadka baraha bulshada isticmaala ay ku dagmaan warar been abuur ah oo lagu faafiyey shabadaha internet ka. Kuwaas oo halka ugu badan ee lagu faafiyaa ay tahay Facebook.

Dadka rayi-ururinta intii la waday wax la weydiiyey ayaa sheegay in ay dawladaha dalalkooda iyo shirkadaha adeegyada tiknoolajiyadda bixiya ka dalbaday in ay ka hortagaan dhaqannada ah in warar been ah la faafiyo, taas oo ay sheegeen in ay ugu dambaynta abuuri doonto in lagu kalsoonaan waayo shabakadda Internet ka.

Dhibaatada ugu badan ee ka dhalata wararka beenta ah ee lagu faafiyo baraha bulshada iyo guud ahaan shabakadaha internet ka ayaa ah, marka wararka beenta ahi ay khuseeyaan dhaqaalaha ama siyaasadda. Labadaa xaaladood oo ay abuuraan khatar ah khasaare dhaqaale iyo dhibaato amni.

Dalka Maraykanka ayaa la sheegay in uu yahay ka ugu badan adduunka ee baraha bulshada lagu faafiyo wararka been abuurka iyo majara habaabinta ah, waxaa ku soo xiga dalalka Ruushka iyo dalka Shiinaha oo sida ay u kala horreeyaan u sii kala daran.

Sahamin sannadle ah oo ay samayso xarunta Ipsos ayaa wax weydiisay dad internet ka isticmaala oo tiradoodu dhan tahay 25 kun oo ku kala nool 25 dal. Waxaana u soo baxday in wararka been abuurka ah ee ugu badan lagu faafiyo barta FACEBOOK laakiin aanu taas macnaheedu ahayn in ay ka maqan yihiin baraha kale ee Twitter ku ka mid yahay.

Marka laga eego dhinaca rumaysashada wararka lagu faafiyo baraha bulshada, waa ay sahamintani ogaatay in dadka sida ugu fudud wararkaas u qaataa ay yihiin dadka Masar oo si dhib yar loogu khiyaamayn karo wararka baraha bulshada, halak dadka Baakistan ay noqdeen kuwa ugu adag, ee mar kasta shakiga ka muujiya wararka ay ku arkaan baraha bulshada.

Waxa kale oo ay sahamintu ogaatay in bulshooyinka caalamka uu ku soo badanayo dareenka ah in aanay ku kalsoonaan baraha bulshada, waxa kale oo aad u soo badanaya warwarka ay dadku ka qabaan ammaanka xogahooda gaarka ah ee ugu kaydsan baraha bulshada, taas oo abuurtay in dad badani ay ka feejignaadaan in ay xogo muhiim ah geliyaan baraha ay ku leeyihiin Facebook.

Rayi ururin ay intii u dhexeysay December 2018 kii illaa February 2019 ka samaysay xarunta xarunta Center for Intarnational Governance innovation ayaa iyaduna muujisay in uu soo badanayo dareenka shakiga ah ee ay dadku ka qabaan warbaahinta Bulshada.

Vince Ossler-Hampson oo madax ka ah xaruntan ayaa mar uu ka faallooday natiijadan u soo baxday ee ah in uu dadka dunida ku soo badanayo dareenka kalsooni darro ee ay u hayaan baraha bulshada, waxa uu sheegay in sahamintani ay muujinayso keliya jileeca ku jira Internet ka ee ah in aan la maamulin xaqiiqada xogaha uu gudbinayo, laakiin haddana uu jiro dareen la mid ah oo ay dadka dunida ee isticmaalaha baraha bulshadu ay si isa soo taraysa ugu diiddan yihiin in la xakameeyo ama in dawladaha iyo shirkadaha tiknoolajiyaddu ay shuruuc iyo faafreeb ku soo rogaan baraha bulshada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here