Salaadiin Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Shirka Hadal Haynta Badan Dhaliyay Ee Burco

0
719

Hargeysa (Geeska)-Salaadiinta Beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Shirka uu Boqor Buurmadaw ku baaqay ee uu sheegay inuu labadan Beelood uu Shir ugu qaban doono Magaalada Burco.

Suldaanka guud ee  Beesha Barriga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse, iyo Suldaan  Saleebaan Cawil Dirir, oo Beesha Galbeedka Burco ah, oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey aragtidooda ku wajaahan Shirkan uu Boqor Buurmadaw ku baaqay iyo waxay kala socdaan ayaa ugu horeyn  Suldaanka guud ee  Beesha Barriga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse, waxaa uu sheegay in aanu haba yaraate aanu waxba kala socon, cid soo ogeysiisayna aanay jirin, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Shirkan la leeyahay waxaa loo qabanaya labada Beelood,  wax alaale wax aan ka ogahay  oo aan kala socdaa ma jirto, Shirkan cid I soo ogeysiisay ma jirto, waxaan ka ogahayna  iyo waxaan kala socdo toona ma jiraan”

Suldaan  Saleebaan Cawil Dirir, oo Beesha Galbeedka Burco ah, isla markaana ah Suldaanka Sacad Yooniska, ayaa isna wuxuu dhankiisa tilmaamay in aanu waxba kala socon Shirkan, balse labada Beeloodna ay u yalaan hawlo ka muhiimsan kana culus Shirkan Buurmadaw ku baaqay, waxaanu yidhi “Shirka uu Boqor Buurmadaw ku baaqay ee ku saabsan labada Beelood ee walaalaha ah waan maqlaayey, laakiin labada Beelood ee Habar Jeclo iyo Habar Yoonisba, hawlo ka culus kana muhiimsan Shirkan Boqor Buurmadaw ayaa u yaala, oo ay ka mid yihiin hawlihii qabyalada ka ahaa heshiiskii labada Beelood, ee Ceel-afweyn, waxaana muhiim ah in si wada jir ah loo wada dhamaystiro hawlaha qabyada ka ahaa Shirkaas, sida in magtii la bixiyo, in aad looga digtoonado in dhib dambe dhacod, labadan Beeloodna, waa laba Beelood, oo aan sinaba u kala go’ayn, sinabana u kala tagaynin, Shir labada Beeloodna waa loo qaban kara, danahoodana wey ka wada shiri karaan, laakiin maanta wakhti Shir la qabto maaha”.

Dhanka kale Suldaan Maxamed Xirsi Qani oo isna aanu isku daynay in aanu wax ka weydiino fikirkiisa yo aragtidiisa ku waajahan Shirkan Boqor Buurmadaw ku baaqaay, ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here