Tokyo (Geeska)- Laba Cilmibaadhe oo ku xeeldheer ilaalinta iyo amniga xogta ayaa soo bandhigay gol-doolooyin ammaan oo ku jira talefannada ugu casrisan ee Galaxy ee ay soo saarto shirkadda SAMSUNG, kuwaas oo sahlaya in la dhegeysto labada qof ee ku wada hadlaya iyo xitaa in iyaga oo aan dareensanayn si aan wax raad ah ka tegeyn loo duubo hadalkaas.
Labadan cilmibaadhe ayaa tijaabadooda ku soo bandhigay tartanka Bonn To Bonn oo dhowaan ka dhacay magaalada Tokyo ee xarunta dalka Jabaan, waxa aanay si cad dadka u tuseen awoodda ay u leeyihiin in ay dhex galaan oo dhegeystaan iyaga oo duubaya codka labada qof ee wada hadlaya.
Sababta arrintan oo la baadhay ayaa lagu ogaaday in ceebtu ay tahay kaadhka nidaamiye seenyaalaha (Digital Signal processing) oo baseband loo yaqaanno eek u jira talefannada Galaxy S6, S6 Edge iyo Galaxy Note 4.
Daniel Kumar iyo Mei Nico Goldie oo ah labada nin soo bandhigay barnaamijkan ceebeeyey shirkadda caalamiga ah ee SAMSUNG ayaa diiday in ay tafaasiil dheeraad ah ka bixiyaan sirta farsamada ay u adeegsadeen dhegeysiga dadkan ku sheekaysanaya talefannada Galaxy iyo qalabka ay adeegsadeen, waxa aanay si aad ugu dadaaleen in ay dadka oo dhan ka fogeeyaan fahamka arrintan si aanay cid si gaar ah uga faa’idaysan.
Shirkadda SAMSUNG ayaan dhinaceeda weli wax war ah ka soo saarin fadeexaddan la xidhiidha amniga talefannadeeda, waxase muddooyinkii u dambeeyey dadka isticmaala talefannadannadeeda S6, S6 Edge, Note 4 iyo qaybo ka mid ah Tablets ku ay dareemayeen shirkadda oo cusboonaysiin Online ah oo bilaasha macaamiisheeda ugu samaynaysa barnaamijka Android ee ay ku shaqayso. Waxa aanay khubaradu sheegayaan in ceebtan lagu daweyn karo cusboonaysiin lagu sameeyo barnaamijka uu ku shaqanayo kaadhka Baseband ee ku samaysan talefannadan iyo aaladahan Galaxy.
Shirkadda caalamiga ah ee Google ayaa iyaduna mar sii horreysay fashilisay in talefannada casriga ah ee shirkadda Galaxy S6 Edge ay qabaan 11 cillado aad u daran oo dhinaca ammaanka ah, waxa aanay Google sababta cilladahaas ku sheegtay isbedello ay shirkadda Galaxy ku samaysay barnaamijka Android ee ay ku shaqeeyaan qalabkeeda Galaxy iyaga oo ku soo daray adeegyo gaar u ah.