Weerarradii Paris Oo Sii Xoojiyey Khuraafaadkii Reer Galbeedku Ka Aaminsanaa Jimcaha Ku Beegma Bil 13 Ah

0
600

Picture9

Paris (Geeska)- Inta badan ee dadweynaha ku dhaqan dunida reer galbeedka ayaa aaminsan khuraafaadka ah in Haddii maalin jimce ahi ay ku beegantoo bil 13 ah ay tahay maalin baas oo khatar loo yahay in ay dhacdo aafo dad badan dhibaataysa iyo masiibo-wadareed. Dadkan ayaa xisaabiyey in sannad kasta ugu yaraan hal mar ugu badnaanna saddex jeer ay isku beegmaan Jimce iyo bil 13 ahi (Waa sannadka Miilaadiga), saddexdaa jeerna ay yihiin shar-wadayaal cabsidooda leh.

Iyaba Imtixaanka quluubta Aadamaha uu Alle ku samaynayo ayaa ay ka mid tahay ee, haddaba Jimcihii dhowaa oo ay bishia Noofambar ahayd 13 ayaa ay dhaceen weerarradii lagu qaaday goobo ka mid ah magaalada Paris oo ay ku nafwaayeen dad kad badan 128 ruux boqollaal kalana dhaawacyo fudud iyo culusiba ka soo gaadheen, sida uu Geeska Afrika ka soo xiganayo Shabakadda Al-Carabiya.

Waa run in ay arrintani khuraafaad tahay, laakiin dhacdadani dad badan oo u dhashay dalalka galbeedka iyo xitaa dadyow ku dhaqan meelo dunida kale ka mid ah oo ay ka mid tahay dunida Carabtu ayaa ay ku beertay cabsi hor leh iyo in ay sas kale ka sii qaadaan maalintan oo kale.

Barnaamijkan Googooska Geeska ayaa dhowaan intii aanay weerarrada Paris dhicin soo bandhigay khuraafaadka ay dadyow badani ka aaminsan yihiin marka Jimce uu ku beegmo bil 13 ah iyo guud ahaan lambarka 13 iyo sidoo kala ay aaminsanaantani ku aroorto.

Waxaa xusid mudan in aaminsanaantan qaldani ay gaadhay heer shirkadda Lloyds ee dunida oo dhan ugu caansan caymiska gaadiidka badda xarunteeduna tahay London ay qarnigii 19 si cad u diidi jirtay in ay caymis u ogolaado gaadiidka badda ee shiraacda Jimce bishu 13 tahay, illaa haddana dalal badan oo kuwa dunida ugu awoodda badan ah ayaa iska ilaaliya in ay ciidamadooda badda dhaqaajiyaan maalintan oo kale, waxaana ka mid ah Maraykan iyo Jarmalka.

Meelo badan oo dunida ka mid ahna waxaa lagu arkaa fooqaqa dhaadheer oo labarsiinta tirsiga dabayqadooda ka ilaaliya in ay lambarka 13 ku daraan ama in qolalka hurdada ee la degayo ay ku daraan mid lambarkiisu yahay 13, marka ay 12 qoraan ayaa ay ku boodaan 14, cisbitaallo badan ayaa la mid ah oo qolalkooda aan tiradan u isticmaalin, sidoo kale shirkadaha diyaaradaha ayaan samayn duulimaad tirsigaas leh.

Sannadkii 1980kiina waxaa soo baxay Filim Maraykan ah oo lagu magacaabo Friday The 13th (Jimcaha bishu 13 tahay) filimaas oo uu qoray Victor Miller xiddigihiisana ay ka mid ahaayeen Betsy Palmer, Jeannine Taylor, Robbi Morgan waxa uu ka sheekaynayaa, koox da’ yar ah oo mid mid si fool xun loogu khaarajinayo, xilli ay isku dayayeen in ay dib u furan Kaamb muddo ka hor laga haajiray. Filimkan oo bilow illaa dhammaad argagax iyo cabsi ah ayaa lagu tilmaamay kuwa ugu cabsida badan ee dunida soo maray (Khaakh).