Dadka Ingiriiska Ee Maraykanka Tegeya Oo Lagu Soo Rogay In Ay Sheegaan Fureyaasha Sirta Ah Ee Talefannadooda, Baraha Ay Ku Leeyihiin Facebook Iyo Twitter Iyo Xisaabtooda Baanka

0
701

Washington (Geeska)- Tallaabooyinka ammaan ee uu madaxweynaha Maraykanku ku soo rogay gegooyinka diyaaradaha ee dalkiisa ayaa markan u baydhay dhinaca dalka ay saaxiibka yihiin ee Ingiriiska oo caadi ahaan aan dalka Maraykanka ku gelin fiise, waxa aana hadda kadib marka ay gaadhaan garoomada diyaaradaha ee Maraykanka laga rabaa in masuuliyiinta ammaanka ee garoonka jooga ay u sheegaan furayaasha sirta ah ee talefannadooda gacanta, iyo sidoo kale akoonnada ay ku leeyihiin barkulannada bulshada ee internet ka, silo baadho wax waxa ugu jira.

In kasta oo aan muwaadiniintan lagu soo rogin in ay dal-ku-gal u qaataan Maraykanka, haddana iyaga iyo muwaadiniinta dalal kale oo iyaguna bilaa fiise ku gala Maraykanka ayaa talefannadooda iyo akoonnadooda baraha bulshadu ku xidhiidho aad loo baadi doonaa, si haddii lagu arko wax khatar ku ah amniga Maraykanka dib loogu celiyo dalalkoodii.

Warkan uu Geeska Afrika turjumay oo lagu baahiyey shabakadda Al-Carabiya ayaa intaas ku daraya in dadka ka imanaya dalalkan billaa fiisaha ku yimaadda Maraykanka oo tiradoodu gaadhayso 38 dal, si gaar ah loo weydiin doono furayaasha (Password) talefannada, Facebook iyo Twitter iyo weliba warbixin-xisaabeedkooda maaliyadeed, taas oo macnaheedu yahay in qofka dalalkan ka tegeyo la weydiin doono in uu sii diyaarsado warbinta dhaqdhaqaaqa xisaabtiisa bangiga.

Warku waxa uu sheegay in tallaabadan oo u muuqata in Trump uu ku rumaynayo ballan-qaadkiisii xilligii ol’olaha ee ahaa adkaynta amniga gelitaanka dalkiisa, in ay ku hoos jirto tallaabo ah in lagu helo xogta aaminsanaanta shakhsiga ah ee dadka dalalkan kaga imanaya Maraykanka, maadaama oo talefannadooda iyo xisaabahooda bangiyadaba laga helayo meelaha iyo dadka ay xidhiidhka la’ leeyihin.