Dacwadda Wargeyska Hubaal Oo Ka Bilaabantay Maxkamadda

1
694

Picture4Hargeysa(Geeska) Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) ayaa shalay markii ugu horaysay dhagaysatay Dacwad ay Xukuumadda Somaliland ku soo Oogtay Wargeyska Hubaal oo ay xayiraadi saarantahay, iyadoo dhagaysiga Dacwadan ay goob joog ahaayeen oo kali ah Qareenada Wargeyska Difaacaya iyo Xeer ilaalinta Dacwada Oogaysa.

 

Fadhiga ay shalay Maxkamaddu ka yeelatay Dacwadan oo ahaa kii ugu horeeyay ee uu Garsooraha Kiiska ku qorani dhagaystay tan iyo maalintii Xeer ilaalintu ka dalbatay Xayiraada Wargeyskaasi saaran ayaa lagu dhagaystay Eeda Xeer ilaalintu ku oogayso wargeyska, iyagoo Qareenada Wargeyska u doodayaa difaaceen dhamaan Eedaymaha Xukuumadda oo ah saddex Eedaymood oo is barkan.

Garsooraha Dacwada gacanka ku haya Cismaan Fanax oo labada dhinacba dhagaystay ayaa fadhi danbe u qabtay dhagaysiga Dacwadan oo uu u mudeeyay 27-ka bishan, taasoo si rasmi ah dacwada loo guda geli doono.

Guda galka Dacwadan ee shalay ayaa cadaynaysa in Xayiraada la saaray wargeysku tahay mid lagu deg degay maadaama shalay uun la dhagaystay, taasina ay muujinayso in dalabkii xukuumadda ee Xayiraada iyo aqbalaadii Garsoorku labaduba yihiin kuwo la midi roorteeyay oo ay ahayd sida sharcigu dhigayo in dhagaysiga kadib go’aan Maxkamadeed lagu rido wargeyska nooca uu doono ha noqdee.

Si kasta ha ahaatee Garsoorka Somaliland waxa looga fadhiyaa Dacwadaasi in uu si cadaalad ah u qaado, isla markaana mudada dhagaysigu socdo ka madax banaanaado faragalin.

Comments are closed.