Xiddiga Cabdiriyaad Iyo Xulkiisa Hargeysa Oo Wasiirka Ciyaaraha Ku Eedeeyay Inuu Cadaalad Darro Kula Kacay

1
872

ciyaarahaHargeysa(Geeska)-Cabdiriyaad Abshir Cabdi oo ah ciyaartoygii ugu gool dhalinta badnaa gobalka Maroodijeex ee hantiyay koobkii gobalada Somaliland, ayaa qaadacay qaybinta gaadhigii loo dhigay ciyaartoyga ugu gool dhalinta badna tartanka gobalada Somaliland.

 

Saddex ciyaartooy oo ka soo jeeday gobalada Hargeysa, Ceerigaabo iyo Oodweyne ayaa dhaliyay min afargool tartankii kubadda cagta ee gobalada. Laakiin Cabdiriyaad oo u saftay gobalka Hargeysa ayaa ahaa xidigii dhaliyay goolkii ugu dambeeyay. Hase yeeshe wasiirka ciyaaraha ayaa shalay munaasibad loo sameeyay wareejinta gaadhigan wuxuu ka cadeeyay in baabuurka oo ay dhigtay shirkadda Dahab Shiil loo qaybin doono saddexdaas ciyaartooy, isagoo go’aankiisa u cuskaday mid lagu dhaqmay sannadkii 1994 oo ahayd qarnigii hore ee 20aad.

Mr. Cabdiriyaad, ayaa sheegay inuu wasiirka ciyaaraha iyo wasaradaba uu ka tirsanaayo cadaalad daro iyo eex. Cabdiriyaad Abshir ayaa ka soo jeeda beelaha lahayb sooco oo madax weyne Axmed Siilaanyo lagu yaqaano inuu si weyn u taageero,balse ay wakhtigan muuqato in wasaaradiisa ciyaaruhu iyo masuuliyiinta madaxda ka ahi ceeb uga soo hooyeen.

Sida oo kale xulkii Gobalka Maroodijeex ee hantiyay koobkii gobalada Somaliland,ayaa si rasmi ah ugu dhawaaay inay wasaarada ciyaaraha dib ugu celinayaan koobkaas iyaga oo ku eedeeyay wasaarada cadaalad-daro iyo in ay qaab aan haboonayan ay biladhii iyo hawlahii oodhan ay u maamushay,isla markaasna xeerkan ay wasaaradu u cuskatay qaybinta gaadhigaasu uu yahay mid mar marsiiyo ah oo duqoobay wakhtigiisuna uu ahaa 1994.

Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xirsi Cago Yare oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee Hargeysa ayaa isaguna dhankiisa wasiirka ciyaaraha ku tilmaamay nin qaranka u haya xil aanu wax aqoon ah u lahayn.

Ciyaartooy Cabdiriyaad oo u warmaayay wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegay ugu horayntii inuu qaadacay qaybinta gaadhigaas, waxaana hadaladiisa ka mid ah “ Waan joojiyay inaan ka qayb galo qaybintaas uu wasiirku sheegay,waxaanan ka tirsanayaa cadaaladdaro weyn iyo eex  ay wasaarada ciyaarahu igu samaysay,waxaan dhaliyay goolkii ugu danbeeyay,waxaanan qaadnay koox ahaan koobkii,marka sharciyada kubada cagta la eegana gaadhigaas aniga ayaa yeelanaaya,wasiirku waxa uu yidhi sharciga ciyaaraha ayaan ku kala saaraynaa hadana waa uu qaybiyay sharcigaasuna waxa uu dhigayaa in ciyaartoygii ugu gool dhalinta danbeeyay uu abaalmarintaas leeyahay.” 

Hogaamiyaasha Xulka Maroodijeex  ayaa iyaguna dhankooda u xaqiijiyay wargeyska inay celinayaan koobkaas oo ay sheegeen in madhnaantiisa uun la siiyay laakiin hawlahii kale oo dhan si qaloocda loo maamulay.

Ugu hotaytii tabobare Maxamed Maxamuud Maxamed (Diri-dhaba)  oo bixinta qaabkii loo maamulay gaadhigaas ka hadlay waxa uu yidhi “Go’aanka Wasaaradu waa Cadaalad daro wadata Jaahilnimo, waana wax laga xishoodo shaqo ay lahaayeen oo ay garan waayaan, way cadahay shuruucda  caalamku, sidan wax loo bixiyayna waxaa la soo qaatay shuruuc laga been sheegay, waana ceeb iyo foolxumo in wasaaradu ay soo qaadato sharci lagu kala saaray ciyaartooyo isku goolal noqday sannadkii 1994-kii iyadoo maanta la marayo 2013. Sharciyo hadda jira oo tartamadii ugu dambeeyay lagu dhaqmay ayaa jira oo ah ninka goolasha ugu dambeeya soo gaadha ayaa xaq u leh abaal-marinta gool dhalinta”

Sida oo kale kabtanka xulaka Maroodijeex Maxamed Xasan Maxamed (Gabyaaye) ayaa yidhi “ Waxaan cambaaraynaynaa go’aanka ay qaadatay Wasaarada Ciyaaruhu oo ah mid aan shuruucda caalamiga ah ahayn, waxaana wanaagsan in dib loo raaco sharciga kala saaraya saddexdan ciyaartoy ee isku goolasha ah, go’aankana khalad ayaanu u aragnaa iyo jaahilnimo.”

Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xirsi Cago Yare ayaa eedaymo u soo jeediyay wasaarada ciyaaraha sheegayna in ay celin doonaan koobkaas oo uu ku tilmaamay daasad madhan oo waxii ay mudnayd oo dhan lagala hadhay , waxaanu yidhi “ Wasiirka ciyaaraha Somaliland waa nin baabiiyay dhamaanba xidhiidhadii kala duwanaa, waxaanu hayay oo uu qarankan masuul uga ahaa shaqo aanu waxba ka garanayn?Xulka Gobolka Maroodi Jeex waxa aanu isu haysanay in aanu nahay Spain-ta reer Somaliland, maadaama aad arkayseen sidii aanu koobka ku qaadnay, runtii waxa aan leeyahay anaga oo isu dhan ayaa dib u soo celinayna koobkii nala siiyay, waayo daasad keliya oo aanay waxba la soconin ilaahay baa ina dilayee uma qalano, halkii gaadhiga Gool dhalintu uu naga maray ayaanu jecelnahay in uu koobkana naga maro.” Xildhibaanka oohadalkiisa siiwataa waxa uu yidhi “ Waxaad ka war haysaan in Wasiirka Ciyaaraha Somaliland uu soo qaaday ama yidhi waxa aan u kala qaybinayaa ciyaaryahanadii ku guulaystay gool dhalinta, waxaanu xeer u soo qaatay sanadkii 1994-kii markii ciyaaryahanadda gool dhalinta qaarada yuurub loo qaybiyay, waxa aan leeyahay Wasiir waxa la marayaa 2013-kii dunidu waa casri xeerkaasina ma shaqeeyo.”

Si kastaba ha ahaate tartankii ciyaaraha ayaa u muuqda inay bulshada ka dhex abuureen kala fogaansho iyo khilaafyo, waxaanay arrintan uu gobalka Hargeysa ka cabanayaa ay ku biiraysaa qaabkii loola dhaqmay ciyaartoygii gobalka Togdheer oo xabsiga lagu guray.

Comments are closed.