Faysal Cali Waraabe Oo Soo Dhaweeyay Aragtida Prof. Axmed I. Samatar

8
708

Picture2Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa soo dhaweeyay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar iyo safarka uu ku joogo caasimadda Hargeysa ee Somaliland.

Md. Faysal, oo xalay la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu yidhi, “Prof. Axmed Ismaaciil Samatar waan soo dhawaynayaa go’aanka geesinimada ah ee uu gaadhay ee ah inuu wadanka yimaado islamarkaana uu iska casilay xubinimadii Baarlamaanka Somaliya ee magac u yaalka ah. Waxaan hubaa in Prof. samatar uu Somaliland wax weyn u soo kordhin doono, islamarkaana uu ka qayb qaadan doono halka dheer ee ay ku jirto Somaliland.”

Faysal, wuxuu sheegay inuu si dadban ugu jiray soo dhawaynta Axmed Ismaaciil Samatar, “Anigu waan la socday muddooyinkii u dambeeyay doodaha uu kaga jiray dalka Maraykanka.”

Faysal, wuxuu ugu dambayn yidhi, “Qofku marka uu wadankiisa ku soo noqdo ee uu xaqiiqada arko lama dhibaateeyo ee waa la soo dhaweeyaa laguna ammaanaa. Markaas Axmed wuu ku ammaananyahay xaqiiqda uu soo arkay.”

Comments are closed.