Sidee uu kelitaliyuhu ku doortaa gacanyareyaashiisa?
Hoggaamiye kastaa waxa uu leeyahay gacanyareyaal uu u igmado hawlaha baaxadda leh ee u yaalla, kuwaas oo qaarkood ay aad ugu dhowyihiin ama lataliyeyaal u yihiin. Haddaba mar kasta oo uu hoggaamiyuhu xumaado ama kelitaliye noqdo waxa ay dadku xasuustaan mawaaqifka gacanyareyaashiisa iyo sida ay ku dhacday in ay ka raalli noqdaan habdhaqankiisa? Arrintan si aynu jawaab u helno waxaa muhiim ah in aynu fahanno horta marka hore sidee ayaa uu kelitaliyuhu ku soo doortaa gacanyareyaashiisa? Waa arrin la xidhiidha daraasaynta shakhsiyadda kelitaliyaha ah iyo sida uu ku soo xusho masuuliyiinta amarkiisa oo keliya ku shaqaysa iyaga oo aan ka fikirin ama wax su’aalo ah iska weydiin. Waxa ay culimada cilminafsigu xaqiijiyeen in xaaladaha nafsadeed ee aynu xusnay in kelitaliyeyaashu ka siman yihiin, ay leeyihiin dhaqan ah in qofku aanu la saaxiibin ama is fahamba dhex mari karin ruux aanay maskaxdiisu ku qanacsanayn in uu ka hooseeyo.
Waa dad jecel sarrayn in ay ku macaamilaan sidaas awgeed cidda keliya ee ay raadsadaan ayaa ah cid ogol hoosaynta. Haddii kale muddo dheer ma wada joogi karaan.
Xaqiraad iyo aflagaado ama cadho iyo buuq joogto ah ayaa lagu yaqaannaa qofka leh xaaladaha nafsadeed ee aynu soo xusnay, sidaas awgeed dad kooban ayuun baa u dulqaadan kara. Waana dad u badan in qudhoodu qabaan xanuunka hoosaynta ah ee nafsadeed, ama xaalad ah u addoon noqoshada doonistooda dhow.
Waxaa marag ku filan in mar kasta oo dadka kelitaliyeyaasha la shaqayn jiray maxkamad la horgeeyo ama laga waraysto sababta ku kallifaysay dembiyada ay galeen, jawaabta keliya ee ay u hayaan ay tahay in ay ku andacoodaan in cid ay iyagu ahaayeen shaqaale la amro oo keliya. Dilka, dhaca iiyo boobka iyo nooc kasta oo xadgudub oo ay ku kacaan sababta kelya ee ay ku marmarsoodaan waa in ay yihiin fuliyeyaal keliya. Haddii in yar la sii baadho waxa keliya ee muuqanayaana waa in ay yihiin dad sabab uun jirta awgeed u ogol isa sarraysiinta kelitaliyaha ama sida mararka qaarkood dhacda in ay danaha kooban ee ay kelitaliyaha ku qabaan yihiin kuwa kallifaya in uu addoon u noqdo.
Sida uu Mamduux Cadwaan ku sheegayo buuggiisa ‘Xayawaanaynta aadamaha’ kelitaliyaha cabsida uu dadkiisa ka qabo iyo kalsooni darrada ku beeran awgeed waxa uu mar kasta jecel yahay in uu maqlo war sheegaya in dakdu jecel yihiin, taas oo u noqota niyad-dhis fiican. Kuwa ku xeeranina iyaga oo taas og ayaa ay uga faa’iidaystaan fursad ay kalsooni iyo kalgacal kaga kasbadaan, waxa aanay u geeyaan warar been abuur ah oo taageeradiisa muujinaya iyo munaasabado waaweyn oo ah xaflado ay ku muujinayaan dadka aadka u tirada ee taageersan kelitaliyaha iyada oo ay ujeedadu tahay keliya si ay kalsooni uga kasbadaan. Warbaahinta ayaa ah aalad ay kelitaliyeyaashu aad ugu isticmaalaan faafinta aragtidooda siyaasadeed iyo in dadka laga majara habaabiyo runta, laguna qanciyo wanaagga dawladda.
Inta la ogyahay kelitaliyeyaashii ugu horreeyey ee warbaahinta casriga ah uga faa’iidaystay danahooda kelitalisnimo waxaa ka mid ahaa hoggaamiyihii dhiigya cabka ahaa ee Jarmalka Adolf Hitler, waxa uu warbaahintii ka dhigtay aalad uu farriintiisa ku gaadhsiiyo dadka. Waxaana xilligiisii baxay waxa loo yaqaanno ‘Warbaahinta Hitler”
Xaaladaha nafsiga ah ee aynu soo xusnay qeexahooda oo aynu soo koobnay waxaa ka mid ah:
Sadism
Waa xaalad nafsiya oo keenta in qofku u uku raaxaysto ciqaab jidheed ama nafsadeed iyo jidh dil uu qofka kale ama dadka kale u geysanayo. Waxaa loogu magac daray Marquis De Saada oo ah qoraa Faransiis, waxa aanu sadism ku geli karaa madaxda oo ku raaxaysta ciqaabta dadkooda ay mucaaradka u arkaan, waxa kale oo ka mid ah in qofku uu raaxadiisa runta ah gaadho oo keliya marka uu gabadha ama ninka ficillo xanuujin ah kula kaco.
Calaamadaha lagu garto waxaa ka mid aah; qofka oo ay ka guuraan cafiska iyo u jeer dhaafka qofka uu qaladka ka tirsanayo; ma aqbalo cid ka rayi duwani in ay la shaqayso ama hawlwadaag noqdaan; Been iyo munaafaqad ayaanu u adeegsadaa ciqaabta iyo dhibaataynta cidda ka soo horjeesata.
Megalomania (Sarraynta waalida ah)
Xanuunkan nafsiga ah magaciisa waxaa laga keenay ereyga afka Giriigga ah ee tashuuska maskaxda ah ama is moodsiiska beenta ahi ku bato, macnaheeduna waa qofka oo uu ku abuurmo dareen ku talaxtagaya weynidiisa iyo sarrayntiisa.
Waa cudur nafsadeed, caalamadaha lagu garto ay ka mid ah qofka oo hadalku ku bato, mararka qaarkoodna lagu arko in mawduuc kala duwan oo aan isku xidhiidhsanayn uu ka warramayo. Dhaqdhaqaaqa ayaa ku bata hurdaduna waa ay ku yaraataa oo marmarka qaarkood maalmo dhan ayaanu seexan.
Ambiguity (Shakhsiyad Muqdi ku jiro)
Waa xaalad ay shakhsiyadda qofku mugdi gelayso oo dadka ku xeerani aanay fahmi karin waxa uu rabo, go’aanka uu arrimaha u yaalla ka qaadan doono iyo aragtidiisa runta ah. waa shakhsi xitaa dareenkiisu farxad iyo murugaba qarsoonyahay. Waa ay ka duwantahay in qofku uu sirihiisa qaarkood qarsado, xitaa haddii cidda uu ka qarinayaa ay tahay dadka aadka ugu dhow iyo in qofku uu si ula kac ah noloshiisa uga dhigo mid uu muqdi hadheeyey, isaga oo ujeedo u gaar ah ka leh.
Dhammaad.