Wasiirka Arrimaha Dibedda Malawi Oo Ka Waramay Ujeedada Socdaalkii Uu Ku Yimid Hargeysa

0
712

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha dibadda dalka Malawi Mr. Eisenhower Nduwa Mkaka oo toddobaadkan socdaal ku yimid magaalada Hargeysa, ayaasheegay in ujeedada socdaalkiisu ahayd xaqiiqo raadin ku saabsan qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Wasiir Mkaka, oo u waramay weriye caanka ah dalkiisa oo la yidhaahdo Onjezani Kenani, waxa kale oo uu beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada dalkaas oo sheegayay in diyaaradda gaarka u ah madaxweynaha dalkaasi ay wasiirka u soo qaaday Hargeysa, waxaanu soo bandhigay tikidhka duulimaadkii uu ku yimid magaalada Hargeysa oo ahaa diyaaradda Ethiopia.

Wasiirku, wuxuu sheegay in ujeedada socdaalkiisu tahay xaqiiqo raadis, ka dib markii ay dawladda Somaliland dalkiisa Malawi ka dalbatay inay taageerto qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, wuxuuna intaas ku daray inaanay dawladda Malawi weli mawqif rasmi ah ka qaadan qaddiyadda Somaliland, isla-markaana ay waddo xaqiiqo raadis dheeraad ah.

“Mudane Mkaka wuxuu socdaal xaqiiqo raadis ah ku joogaa Somaliland, sida taariikhda ku cad wasiirku wuxuu sheegay in Somaliland waligeedba ahayd dal madax-bannaan oo xoriyadiisa helay 26 june 1960. Maalintii ku xigtay ee 26 june baarlamaankoodaayaa u codeeyay inay ku biiraan Soomaaliya oo uu Talyaanigu xukumayay, xorriyaddeedana qaadatay 1 july 1960. “ Sidaas waxa yidhi Weriye Kenanni, oo soo xiganayay wasiirka khaarajiga Malawi, waxaanu intaas raaciyay oo uu sheegay in inkasta oo aanu jirin dal dunida ka tirsan oo Somaliland aqoonsani haddana ay Somaliland tahay dal jira oo u shaqeeya sidii qaran.

“Toddobaadkan wakiilo ka socda xisbiga haya talada dalka koonfur Afrika ayaa joogay halkaas (Somaliland), si ay u helaan waddo ay ku taageeraan aqoosniga Somaliland.” Ayuu ku yidhi weriyuhu warbixintiisa oo uu wasiirka arrimaha dibadda Malawi u sheegay, waxaanu intaas raaciyay “Dawladda Kenya bishii hore ayay joogtay Somaliland). Imaaraadka Carabtu waxay ka taageerayaan sidii ay u dhisi lahaayeen dekedooda. Dawlado badan ayaa hawlahooda ka wata (Somaliland).”

 

Geeska.net/Hargeisa Office