Dabeecadaha Iyo Hab-Dhaqannada Ay Gabadhu Jeceshay In Aanay Gafin Ninka Ay Ku Aragto (1) Diyaariye Kamaal Axmed Cali (Qaybtii 1-aad Iyo 2-aad)

0
729

 

 

Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud, ayaa fadhigii maanta ee golaha wasiirrada waxa uu ku war-galiyey golaha wasiirrada in todobaadka soo socda golohu yeelan doono kulamo socon doona sadex maalmood,”

Sidaa waxaa yidhi afhayeenka madaxweyne Siilaanyo oo khamiistii 4-ta Oktoobar la hadlayey saxaafadda, waxa aanu sii faahfaahiyey ujeedada kulankaa la xisaabtanka uu ku sheegay iyo qaabka uu u dhici doono, “Kulamadaasi oo lagu qiimeynayo dibna loogu eegi doono wax qabadkii xukuumada u fuley mudadii ay jirtey iyo kuwa aan la fulin. waxa kale oo kulamadaas bilaabmi doona maalinta Sabtida lagaga hadli doonaa qorshaha ku tallo-gal ee dhinaca wax qabadka iyo horumarinta qaranka ee sanadka soo socda.”

Waxa ay ahaayeen hadallo ay aad ugu diirsadeen dad badan oo sannadkii u dambeeyeyba qabay dood ah in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo wax-qabadkeedu aad u hooseeyo isla markaana ay baal marsan tahay hannaanka dawladnimo wanaagga. Waxaa la filanayey in la xisaabtankan uu madaxweyne Siilaanyo ugu yeedhayo wasiiradiisu noqdo mid ku dhisan tiirarkii maamul ee la yaqaannay, waayo ereyga la xisaabtan ee loo isticmaalay ayaa ah mid cilmiya oo muujinaya,

 

“In masuul kasta laga rabo inuu soo bandhigo waxa uga fulay qorshihii wax-qabad ee laga rabay iyo inta aanu fulin caqabadda ka hor-istaagtay” waxa uu qof kastaa filayey in natiijada la xisaabtankaa ka soo baxdaa ay noqon doonto ta caadiga ah ee uu cilmi ahaan keensanayo ereyga Xisaabtan oo ah, “In la saxo waxa qaldan, tallaabada ku haboonna laga qaado masuulka isagu ka baydhay ama gaabis aan loo baahnayn la yimi” marka laga tago la xisaabtanka waxa aan isna ka miisaan yarayn ereyga uu afhayeenku ku sifeeyey kulamadaas ee ahaa qiimayn iyo dib u eegis lagu samayno waxqabadkii xukuumadda ee labadii sano. Marka aynu qiimayn nidhaahno waxaa ka soo baxaya macne ah in la qiimeeyo ama go’aan laga gaadho dabeecadda, qiimaha, kartida, tayada, baaxadda, midhaha iyo saamaynta shaqada masuul kasta ku kaga soo aadday siyaasadda madaxweynaha oo iyaduna ka duulaysa barnaamijkii siyaasadeed ee xisbigiisa.

 

Waxaa la yidhaahdaa natiijada u dambaysa ee is qiimaynta iyo xisaabtanka xukuumadeed ka soo baxdaa waxa ay anfacdaa: 1) Muwaadinka oo u isticmaala muraayad uu ka daawado wax-qabadka uu ku kasbaday codkiisa, waxa aanu bud dhig uga dhiga taageerada siyaasadeed ee hadda kadib uu xukuumaddaa siinayo. 2) Madaxweynaha ama masuulka siyaasadda ugu sarreeyaana waxa uu ka dhigtaa muraayad uu ka dheegto wax-qabadka taariikhda u geli doonta, bulshadana taageerada uu hadda kadib kaga heli doonaa miisaanka uu leeyahay.

Haddii uu yahay hoggaamiye baraarugsan oo si ka duwan madaxda dunida saddexaad u fikiraya qiimayntaas waxa uu ku gartaa illaa xadka siyaasadda dalku u socoto jihadii uu doonayey iyo meelaha wax ka beddelka mudan oo uu dhaqso wax uga qabto.

 

Marka la soo koobana qiimaynta iyo dib u eegista waxqabadka xukuumadeed waa ishaaro san oo muujinaysa illaa xadka uu hoggaamiyahaasi yahay mid diyaar u ah in uu wax qabto, waana calaamadda koowaad ee lagu garto maamul wanaagga.

 

In madaxweyne Siilaanyo uu qaabkaa u maray qiimaynta xukuumaddiisu ma cadda, hase ahaato ee bidhaadhama ka dhex muuqda natiijada ka soo baxday fadhiyadii is-qiimaynta ahaa ee xukuumaddu waxa ay ina tusaysaa wax aad uga fog wixii laga filayey ama aynu odhan karno waxa ay ahaayeen kulamo ka madhan dhammaan calaamadaha iyo xeerarka lagu yaqaanno is qiimaynta iyo la xisaabtanka masuuliyiinta qaranka wax loogu diray. Waxa ay ahayd warbixin u eeg tii dawladdii kacaanka, oo dhammaanteed ka warramaysa khayr iyo guul la gaadhay iyo samo badan oo la sugayo, laguma arag caqabad keliya, qalad la saxay ma jirin, masuul la tilmaamay ama tallaabo laga qaadayna haba sheegin.

 

Haddii aynu mid mid u dul istaagno 12 qodob oo uu qasriga madaxtooyadu caddeeyey in ay ka soo baxeen kulamadii la xisaabtanka iyo is qiimaynta ahaa waxa aynu odhan karnaa sidan:

 

1.    Qodobka koowaad ee ka soo baxay golaha wasiirradaba waxaa ka muuqda in laga baydhay ujeedadii marka hore ay madaxtooyadu ku sheegtay kulankan oo ahayd la xisaabtan iyo is qiimayn, waayo waxaa ka muuqata in la sameeyey qiimayn ah dhan keliya, taas oo ah in la falanqeeyey wax-qabadkii xukuumadda ee illaa heer tuule, waxaana afka laga dhowray in la falanqeeyo wax yaabaha aan qabsoomin ama tabashooyinka jira.

 

2.    “Shirku wuxuu isla qaatay in la fuliyey balanqaadyadii Bulshada loogu balanqaaday shanta sano 70%” ayaa lagu yidhi qodobka labaad, oo ah kan ugu xasaasisan.

 

Marka laga hadlayo qiimayn tiro iyo boqollay ku dhisan waa arrin cilmi oo u baahan daraasayn iyo in dadka loo soo bandhigo qaabka xisaabtaa boqollayda ah lagu soo saaray, waxa ay u baahan tahay in la fahmo waxa la tiriyey iyo hal-beegga u yaallay ee boqollayda lagu saleeyey. Dad badan ayaa bilowgiiba la yaabay sida ay suurtogal u tahay in sidaa sahlan ama muddadaa gaaban lagu gaadhi karo natiijadan.  Qodobkan oo ahaa kan bulshada dhexdeeda ugu ugu doodad iyo naqdiga badnaa, ayaa u muuqda in uu ka fogyahay caqliga caadiga ah, inta aynaan xisaabtiisa oo waqti iyo celcelis badan u baahan ku horrayn, waxaa yaab leh in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo hadda talada haysay laba sano oo keliya ay tidhaahdo waxa aanu guul ku dhamaynay qorshahayagii ku talogalka shanta sano ahaa boqolkiiba 70, taas oo u dhiganta in sannad kasta oo ka mid ah labadaa sano la qabanayey boqolkiiba 35, midhaha ka soo baxayaana ay noqonayaan in saddex sano gudahood ay ku dhamaystirayso boqolkiiba 100 iyo dheeraad. Caqliga caadiga ah ee muwaadinku waxa uu si weydiinayaa xawaaraha uu ku arko xukuumadda madaxweyne Siilaanyo sida ay uga soo bixi karto in buuggii ballan qaadka ahaa lagu dhamaystiro saddex sano, oo labada sano ee dambe dheeraad lagu daro.

 

Geeska Afrikaoo si guud mar ah u eegay buuggii xisbiga Kulmiye uu ol’olaha ku galay waxaa deymada koowadba u soo baxday natiijo aad uga duwan ta uu golaha xukuumaddu ku doodayo. Tusaale ahaan qodobbada ballan-qaadka wax ka qabasho ee buug-yarahaa inta tirsiga cad leh oo keliya ayaa ah 160 oo laga filayey in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo wax ka qabato, laakiin waxaa Geeska Afrika u soo baxay in xukuumaddu illaa hadda wax ka qabatay in ka yar toban qodob oo keliya, taasna macnaheedu noqonayo in wax qabadka illaa hadda ee xukuumaddu aanu ka badnayn boqolkiiba 6.

 

Halkaa waxaa ka muuqanaysa in qiimaynta ka soo baxday shirkii dib-isu qiimaynta golaha xukuumaddu ay tahay mid badheedh ama xisaab xumo awgeed loo buun buuniyey si aad uga weyn caqliga oo gaadhsiisan heer illaa boqolkiiba 65 ah in laga badbadiyey wax qabadka. La soco qaybo kale oo xiiso badan…

 

Qodobbadii Is-Qiimaynta  Golaha Xukuumaddu Waa Midhihii Darayga: Nin Duuduub Ku Liqa Iyo Mid Iska Dayaba (Qaybta 2-aad)

Hargeysa (Googooska Geeska)- Qaar badan oo ka mid ah dadka ku xeel dheer cilmiga bulshada ayaa aaminsan in gabadhu ay tahay makhluuq in la raalli geliyaa ay aad u adag tahay, waxa ay leedahay halbeeg dabiici ah oo ay ku qiimayso ruuxa ay u aragto in uu qiimeeyey iyo kan kale waxa aanay laabteeda ku haysataa tilmaamo u gaar ah oo ninka ay ka hesho ay u aragto in uu yahay kii dhiqi lahaa ama raalli gelinayey, malaha waa sababta mar kasta gabadha jacaylkeedu uga go’aan adag yahay kan ninka.

Qormadeennan maantu waxa ay ina tusaysaa in ay jiraan dhaqanno iyo dabeecado haddii ay gabadhu ka hesho ninka ay si sahlan qalbigeeda ugu furayso, waxaana ka mid ah:

1. Ninka ay u aragto in uu yahay bulshaawi aan barashadeeda ka lahayn ujeedada ay inta badan gabadhu uga baratay ina rag ee ah damac iyo in uu karaamadeeda ka socdo iyo weliba qallafsanaanta lagu yaqaan ragga badankooda. Nin dabacsan ee naxariista iyo calool jileeca badan u muujiya.

2. Waxaa la aaminsan yahay in gabadhu ay ka sheeko iyo war badan tahay ninka, inta badanna waxa ay jeceshay in sheekada iyo xogta soo marta ay la wadaagto cidda ugu dhow ee ay kalsooni ku qabto, dhibtu waxa ay ka dhacdaa ragga oo inta badan aan jeclayn warka iyo ka sheekaynta duruufaha iyo xaaladaha dadka kale gaar ahaan dumarka iyo qoysaska, sidoo kale ma jecla calaacalka iyo cabashada badan, waxaa iyaduna jirta in gabadhu ay jeceshay in ay mar kasta u cabato qofka ay kalsoonida u hayso sidaa awgeed mar kasta oo ay gabadhu damacdo in ay sheekooyinka ay xiisaynayso la wadaagto waxa uu jecel yahay in uu ku cabudhiyo ama halkooda ku joojiyo. Haddaba gabadhu waxa ay qalbigeeda u furtaa ninka ay ka dareento in uu u dheg raacinayo sheekadeeda, waxa ay jeceshay ninka marka ay u warramaysa indhaha indhaha u saara. Ninka marka ay gabadhu cabanaysa, xataa haddii aanu waxba la qabanayn si fiican u dhegeysta ee u muujiya calool dabac iyo in uu ka xun yahay dhibta dhacday. Gabadhu waxa ay jeceshay qof dhegeysta, ninka dhegeystaana si fudud ayuu qalbigeeda u xidhan karaa. Laakiin ha illaabin in indhaha oo si xooggan looga dhex saaraa ay gabadha ku beerto khajilaad iyo cabsi sheekada ka kala daadinaysa.

3.Dabeecad ahaan ayey gabadhu u jeceshay ammaanta. Gabadhu waxa ay jeceshay ninka ammaana dookheeda, labbiskeeda iyo quruxdeeda. Ninka u sheega in ay tahay hawlkar si heer sare ah u qabsata shaqadeeda.

4.Gabadhu waxa ay jeceshay ninka ay gacan iyo garab ka hesho, ninka ku dhiirri geliya shaqadeeda uguna sacab tuma waxa fiican ee ay qabato. Ninka gabadha ka gacansiiya go’aamada ay qaadanaysaa waxa uu mutaystaa kalsoonideeda, waxa aanay ka dhigataa dhufays iyo ehel ay ula soo cararto culays kasta oo ka hor yimaadda.

5.Gabadhu waa makhluuq qab badan, waxa ay si gaar ah u danaysaa ixtiraamka iyo soo dhoweynta ay kala kulanto dadka ku xeeran, waxa aanay aaminsan tahay in ninku uu yahay noole madax adag oo aan hawl yari ugu soo tanaasulayn xushmaynteeda. Haddiiba ay aragto ninka oo u muujinaya ixtiraam, sida keliya in uu u ogolaado inay albaabka ka hor gasho ama ka hor baxdo, in uu kursiga u soo saaro si ay ugu fadhiisato, ama in uu isagu u soo qabto adeegyada sahlan ee ay u baahan tahay, waxa ay u aragtaa in u yahay nin fahmi kara nolosha amiirnimo ee ay rabto, si weyn ayaanay ninkaas qalbigeeda u siisaa.

6.  Gabadhu wax yaabaha ay ninka kaga duwan tahay waxaa ka mid ah in ay mar kasta is weydiiso, su’aasha ah bal in uu ninku xasuusan yahay marka ay ka maqan tahay, waxa ay jeceshay in ruuxa ay jacayl u qabto qalbigiisu u noqdo hoy oo aanu daqiiqad keliya ka faaruqin xusuustiisa, laakiin haddana ma jecla in ay si toos ah u weydiiso bal in uu xasuusnaa muddadii ay kala maqnaayeen. Waxa ay raadisaa habab kale oo ay taas ku ogaato, waxaa fiican in ninku mararka qaarkood iyada oo aan filanayn hadyad u keeno iyo in uu farriin talefankiisa ama internet ka uga soo diro, isaga oo keliya u sheegaya in ay xusuusteedu qalbigiisa ku soo dhacday. Gabadhu ninkaas si dhayal ah kuma sii deyso.  La soco…