Maxkamadda Rafcaanka Oo Shalay Xorriyadoodii U Soo Celisay Badhasaabkii Gobalka Hargeysa Iyo Agaasimihii Dib U Dejinta

0
639

 

cafisHargeysa(Geeska)-Maxkamada racfaacka ee Gobolka Hargeysa ayaa shalay dib xoriyadoodii ugu soo celisay badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar X. C/laahi (Xamarje) iyo agaasimihii hore ee wasaarada dib u dejinta Axmed Cilmi Bare oo ay sheegtay in wax cadaymo ah loo waayay dacwadooda. kuwaasi oo muddo toddoba bilood ah eedo musuq ugu xidhnaa xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

 

Masuuliyiintan oo xukunkaas maxkamadda gobalka Hargeysa rafcaan ka qaatay, ayaa waxa uu guddoomiyaha maxkamadda rafcaanka Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, uu shalay amray in xorriyadooda dib loogu soo celiyo, isagoo sheegay in markii uu dhagaystay isla markaana ka baaraan-degay Dacwadda musuq maasuq ee lagu xukumay masuuliyiintan aanay jirin Cadaymo lagu qanci karo oo muujinaya inay danbigaas galeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay  Maxkamadda Rafcaanka inaan la horkeenin Raashinkii lagu eedaynayay ee lagu soo qabtay iyaga oo Lunsanaya, sidaas daraadeed waxa uu go’aamiyay in Xorriyadooda loo celiyo, waxaana labadan masuul isla shalay laga soo daayay xabsiga dhexe ee Hargeysa oo ay ku jireen.

Axmed-Xamarje, oo markii uu guddoomiyaha maxkamadda rafcaanku ku dhawaaqay go’aankiisa saxaafadda la hadlay ayaa yidhi  “Maanta [shalay] oo bishu tahay 10/10/2012, waxay maxkamada rafcaanka ee Hargeysa soo gabo gabeysay kiiskii mudada todobada bilood aan u xidhnaa oo ay xoriyadayadii ay dib noogu soo celisay waxaan u mahad naqayaa dhamaan waaxaha kala duwan ee Garsoorka Somaliland, waxaa kale oo aan u mahad naqayaa Ciidanka Asluubta Somaliland, waxaan umadda ugu baaqayaa Cadaaladda waa loo samara ee u samra ayaan leeyahay, waana ilaahay mahaddii hadaan maanta dib u helay Xoriydaydii, waxaan idiin sheegayaa dadka waa la xidhaa oo xadhigu waa caadi, laakiin wax muhiim ah in cadaalad la helo. Waxaan aad ugu mahad naqaya dhamaan cidii ka qayb qaadatay soo dayntayada, iyo bahda garsoor, waxa kale oo aan u mahad naqayaa bahda warbaahinta”.

Agaasimaha hore Wasaarada Dibudajinta, Axmed Cilmi Barre ayaa isna dareenkiisa ka hadlay waxaanu yidhi, “Dareenkeygu aad ayuu u fiican yahay waxaa aad iyo aad ugu farax sanahay xoriyadeyda oo dibleygu sooceliyey, ka bacdi markii aan maxkamada gobolka racfaan ka qaatey cadaalada aan helnayna aad iyo aad ayaan ugu farax sanahay, waxaan halkan aan uga mahad naqayaa garsoorka Somaliland waxaan kaloo aan u mahad naqayaa saxaafada oo runtii doorweyn ka qaadatey soo deyntayada, dadka reer Somaliland waxaan uga mahad naqayaa siday cadaalada noola raadiyeen waxaa lee yahay cadaalada waa loo samara.”

Dadweyne tiro badan ayaa jeelka hortiisa isa soo tubay markii ay labadan masuul shalay xabsiga ka soo baxayeen, waxaanay ku qaabileen sacab iyo mashxarad.