Qaar Ka Mid Ah Siyaasiyiinta Dalka Oo Ka Hadlay Aragtidooda Ku Waajahan Inay Xukuumadu Fulisay 70% Ka Mid Ah Waxyaabihii Ay Shacabka U Balan Qaaday

0
607

 

kooxHargeysa(Geeska)-Qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka ayaa naqdiyay sheegashada xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee ah inay 70% fulisay balanqaadkii wax qabad ee ay shacabka ugu balan qaaday wakhtigii ololihii doorashada Madaxtooyada.

 

Siyaasiyiintan oo siyaabo kala duwan uu Wargeyska Geeska Afrikawax uga weydiiyay aragtidooda ku waajahan war-murtiyeedka madaxtooyada ka soo baxay ee lagu sheegay inay Madaxweynaha iyo xukuumadiisu isla qaateen in 70% ay fuliyeen balanqaadkoodii, ayaa ugu horayn siyaasiga Cabdi Haybe Maxamed, oo ahaa wasiirkii caafimaadka ee xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin, oo Geeska Afrikauga waramay aragtidiisa ku waajahan mawduucan, ayaa yidhi “ Wadanka waa la wada joogaa oo wax boqolkiiba toddabaatan ah oo ay qabteen ma jirto, waxyaabaha ay qabteena  waxa ugu badan ayaan u arkaa hawlahii dhexda lagaga jiray iyo kuwii soo socday, xukuumaddu wax qabad ayay sheegnaysaaye anigu waxaan u arkaa in dalkiiba heehaabaayo oo aan la garanayn meel uu maraayo.”

Cabdi Haybe, isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi  “Sheegashadoodana wax muuqda iyo wax u dhww toona uma arko anigu, mushaharaadka ayay balan qaadeen inay kordhinayaan waana boqolkiiba 300, waanad aragtaa inay ku banjareen boqolkii u horeeyay markii ay kordhiyeen, camal la’aantiina kor ayay u sii kacday oo waataas maalin walba ay arday horleh jaamacadii ka soo qalin jabinayso shaqona aanay hayn, wax loo sii qorsheeyayna aanay jirin.”

Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) oo ka mid ah madaxda xisbiga UCID, oo uu isna Geeska Afrikaweydiiyay inuu aaminsanyahay inay xukuumadu fulisay 70% ka mid ah balanqaadkeedii, ayaa yidhi “Horta xaqiiqada rasmiga ah sida ay xukuumaddu u aragtona maaha, cidda sheegaysaana iyada maaha, sida oo kale mucaaradkana maaha cida sheegaysaa, cida arinkaas sheegaysaa waa umadda oo waa sida ay iyagu u arkaan.”

Cali-Gurey, oo hadalkiisa sii wataa, wuxuu yidhi  “Waynu ogaynoo xukuumadani shacabka waxay ka heshay kalsoonida kala badh, haddii 70% hawlahii lagu doortay ay gudatayna taas macnaheedu waxa weeye wakhtigooduna waa kala badh kalsoonidii ay haysatayna waa ay haysataa, balse taasi xaqiiqo ka muuqata shaaraca Somaliland maaha, waxaan is leeyahay 25% wax ka yar ayaa dadka qaba inay xukuumadu sidaas ay sheegatay ay qabtay ama kaba sii yar, doorashadaynu ku ogaan taageerada ay shacbiga ka haysato.”

Isagoo si gaar ah uga sii hadlaya dhawaaqa xukuumadda, wuxuu yidhi  “Tana macnaheedu waxa weeyeen waxaanu wanaajinay mooyaane waxaanu xumaynay ma jirto, xaqiiqaduna sidaas maaha wax badan oo qaldamay baa jira, oo qalado waawayn ah hadday Cadaalada tahay, musuqmaasuqa tahay, hadday shaqo abuurka tahay, hadday sida dadka ay shaqada u kala siinayso tahay, hadday midnimada xukuumadda tahay,  dhinacyadaas oo dhan in uu hoos u sii dhacayso dalku ayaanu aaminsanahay.”