Maayarka Hargeysa Oo Kulan La Yeeshay Iskaashatada Gaadiidlayada, Sheegayna Inay Nidaam Cusub U Hirgelin Doonaan

0
500

Picture1Hargeysa, (Geeska)-Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco), ayaa Shalay la kulmay Iskaashatooyinka Gadiidlayada iskaga goosha Caasimadda iyo kuwa dibada, ayaa waxa uu Guddi u saaray goobaha iyo qaabka Istaamo u gaar ah loogu samayn lahaayeen Gaadiidka Basaaska ee magaaladda iskaga dhex goosha, kuwaas oo iyaga laftooda la qorshaynayo in magaaladdda laga dhex saaro.

Maayarka Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco)  ayaa sidoo kale sheegay in gaadiidka Bakhaaradda Raashinka ka qaadanaya ama ku roggaya ay suuqa soo gali karaan  wakhti go’an ama xilliyadda saxmadda yar tahay ,isla markaana aan suuqa lagu dhex arki Karin gaadhi xamuul ah oo iska taagan badhtamaha Suuqa, waxaanu yidhi   “Maanta waxaan idinku yeedhnay sidii saxmadda magaaladda uga yareyn lahayn waad aragteen sida magaaladu saxmadda u tahay,waxaanu qorsheynay in gaadiidka wixii magaaladda ka baxa kooneyaasha magaaladda loo kala saaro”

Mar uu Maayarku tilmaamayey siday u kala qorsheeyeen iyo goobaha ay u kala diyaariyeen gaadiidka magaaladda dibadda uga baxa sida gaadiidka u baxa goboladda Bariga, goboladda galbeedka, gaadiidka u baxa waqooyiga iyo Gaadiidka u baxa Koonfurta Hargeysa oo dhinac walba jiho looga raray magaaladda, waxanu yidhi Maayarka oo arrintaasi ka hadlaya “waxaanu Gaadiidka magaaladda u kala baxay u qorshaynay sidan Gaadiidka u Baxa Bariga sida Berbera iyo Burco waxaanu istaan uga dhignay  Xero Dhiigta horteedda,  Gaadiidka Waqooyiga u baxa waxaanu u u qorshaynay Kaantaroolka Ina Aamin dushiisa  ayaanu uga samaynay Istaan,, Gaadiidka Hawdka u baxa waxaanu Istaan uga dhignay Madaarka Agteedda,Galbeedka gaadiidka u baxa waa inay tagaan halka wadada boqol iyo konton iyo wadadda kale iska gooyaan ayaanu istan ugu samaynay”.

Sidoo kale, Maayarku waxa uu sheegay inay guddi u saareen qorsheeya sidii Basaaska iyo Takaasidda loogu samayn lahaa Istaamo u gaar ah oo magaaladda ka baxsan, waxaanu yidhi “waxaanu guddi u saarnay gaadiidkii Basaska nidaamin lahaa oo iyagana kooneyaasha loo geyn lahaa, waxaana guddidaasi ka mid ah Agaasimaha arrimaha bulshadda dawladda Hoose,Taliyaha Ciidanka nabadgalyadda wadooyinka, la taliyaha wasiirka Hawlaha Guud iyo xildhibaanada golaha deeganka ee hawshan ku shaqadda leh, waxaanay soo diyaarin doonaan istaanka Basaska iyo Takaasidda  oo halka ay gaadhaan uga samayn doonaan istaan”.

Sidoo kale, waxa uu maayarku sheegay in Jaadka meelaha lagu iibinaya xarumo lagu iibiyo looga samayn doono kooneyaasha magaaladda oo magaaladda laga dhex saari doonno, sidoo kale Macradadda Baabuurta lagu iibiyo ayaa iyaguna loo maalgalinaya goobo ay ku shaqaystaan oo looga dhisi doono labadda koone ee magaaladda Hargeysa bari iyo galbeed.

Gudidda iskaashatooyinka Gaadiidka magaaladda ka baxa iyo kuwo iskaga dhexgooshaba waxay soo dhoweeyeen go’aankaasi dawladda hoose samaysay,  iyagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin inay helaan dhul istaamo u gaar ah oo ay ka baxaan inay helaan, maadaama oo aanay markii hore haysan dhul u gaar ah istaamo isla mrakaana meherado hortood iska hor istaagi jireen, isla mrkaana wadooyinka qaar xidhi jireen.

Waxaanay guddida iskaashatooyinka iyo Maayarka Hargeysa isla gorfeeyeen inay sida ugu fiican qorshahaasi iyagoo isku duuban u hirgali lahaa, isla meel dhigi lahaayeen, iyagoo u garaabay Maayarka inay yaraanayso saxmadda magaalada haddii istaamooyinkaasi la hirgaliyo.