Cuntooyinka Wis-wiska Leh Ee Ay Jeclaayeen Keli-Taliyeyaashii Dunida Ugu Caansanaa Qarniga 20aad

0
575

Hargeysa (Geeska)- Waxaa dhowaan rugaha kutubta ee afka Ingiriisiga ku soo kordhay buug cusub oo ka waamaya qaybo ka mid ah taariikhda keli-taliyeyaashii ugu caansanaa qarnigii 20aad ee dunida soo maray, caadooyinkoodii iyo cuntooyinkii ay jeclaayeen. Buuggan 190ka bog ka kooban oo qaab maadays ah u dhigan, waxaa wada qoray, Victoria Clark iyo Melissa Scott oo buuggooda ugu magac bixisay, Dictators' Dinners: A Bad Taste Guide to Entertaining Tyrants. Haddaba qaybo ka mid ah oo uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya ayaa ay qoraayadu ku eegayaan cuntooyinkaas keli taliyeyaashu aadka u jeclaayeen oo dabcan ah kuwo wiswis leh:

1. Hastings Kamuzu Banda: Waxa uu ahaa keli taliyihii dalka Malawi ka talinayey 28 kii sano ee u dhexeeyey 1966kii illaa 1994kii isaga oo 99 sano jir ah ayaanu geeriyooday sannadkii 1997kii. Madaxweyne Banda waxa uu cuntooyinka waxa uu ugu jeclaa, noocyo dirxiga ka mid ah oo uu caan ku ahaa in uu joogto u cuno. Dirxigan inta sida baradhada loogu shiilo ama lagu dubo dhuxul ayaa uu cuni jiray.

2. Kim Jong Il: Muddo 17 sano ah ayaa uu ahaa hoggaamiyaha sare ee Jamhuuriyadda dimuqraaddiga ah ee jamhuuriyadda dadka ee Kuuriya oo aad loogu garan og yahay Kuuriyada Woqooyi, waxa aanu xilka ka dhaxlay aabihii, isaga oo 70 sano jir ah ayaanu geeriyooday sannadkii 2011ka, waxaana xilkii hoggaamiyenimo ka dhaxlay wiilkiisa hadda hoggaamiya dalkaas. Sida uu buuggani xusayo, Kim Jong Il waxa uu aad ugu baasaa cabbista khamirga noocyadiisa aadka qaaliga u ah, waxa kale oo uu jeclaa hilibka doofaarka oo uu ka soo waaridan jiray dalka Denmark. Waxa kale oo uu aad u jeclaa beedka nooc ka mid ah kalluunka oo dunida aad qaali uga ah, beedkaas oo afka qalaad lagu magacaabo Caviar (Kafiyaar) waxa uu ka keensan jiray dalka Iiraan, waxaanu ku darsan jiray bariiska nooc gaar ah oo uu ka soo waaridan jiray dalka Jabaan. Cuntooyinkan oo dhami waa ay fiicnaan lahaayeen haddii hoggaamiye Kim Jong Il iska deyn lahaa kalluunka noocyo ka mid ah oo uu aad u jeclaa in uu cuno marka uu qudhmo, weliba dadka ka agdhowaa ay sheegeen in uu si hammuum badani ka muuqato u cuni jiray isaga oo la moodo in uu gaajo badan u qabo. La soco…