Akhriste, Ma’ Og Tahay In …

0
564

– Marka ay shinnidu duulayso waxa ay iska ilaalisaa in ay dul duusho meel biyo fadhiisin ah ama buuraha dushooda.

– Awoodda xawaare ee shinnidu, haddii culays lagu cabbiro 24-jeer ayaa uu ka badan yahay Miisaankeeda.

– In Timirta ay ku jiraan maaddooyin cunno ah oo kala gedisan sida, Sonkor, dhanaan, Faytamiinno iyo macdanno, maaddooyinkaas iyo macdanahaas faa’idada jidhka u leh ee timirta oo aanay jirin cunto kale oo kelideed ay ku wada jiraan.

– In Timirtu ay jilciso qoysana Neerfayaasha caloosha taas oo keenta in qofka aad u isticmaala Timirtu uu ka badbaado Wahsiga, Faaligga,  jidhka oo Qallala (Jajaba), dibno Qalalka iyo Xanuunno badan oo ku dhaca beerka iyo Caloosha.

– Ma ogtahay in Dumarka uurka lihi marka ay bisha u dambaysa sidkooda ku jiraan in uu u fiican yahay sccodka iyo jimisciga fudud oo ay badiyaan.

Digniin caafimaad: Khubarada caafimaadku waxa ay dumarka uurka leh uga digayaan in marka ay fooshu qabato ay ay dhabarka u jiifsadaan waqti badan.

– Ma’ Ogtahaya In dumarku marka ay foolanayaan haddii ay u fadhiistaan kadaloob  in uu ka yaraanayo xanuunka Fooshu iyo in ay soo dadajinayso dhalmada.

– Ma’ ogtahay in xilliga fooshu dhow dahay oo ay gabadha uurka lihi socotaa in ay yareyso khatarta ah in uu Makaanka xanuun gaadho iyo in gabadha lagu qalo Ilmaha waayo sida ay dhakhaatiirtu sheegeen marka ay gabadhu istaagto ama u fadhiisato Kadaloob madaxa ilmaha ayaa soo caabiya kadinka makaanka taas oo soo dadajisa dhalmada.

– Ma ogtahay in qofka Bani’aadamka ahi uu neefsado 25 Kun oo jeer Maalin kasta.

– Ma Ogtahay in xabadda Caarada ahi ay samayn karto Dun (Xuub) uu dhererkiisu yahay 30 Mitir.

– Ma ogtahay garaaca wadnaha nooluhu in uu u kala duwan yahay hadba sida ay u kala miisaan iyo dhumuc wayn yihiin. Maaha in sida ay u kala wayn yihiin uu u kala badan yahay, balse noole kasta ka uu ka wayn yahay ayaa ay ka yartahay tirada garaaca wadnihiisu. Waxa aanay u kala duwan yihiin sidan: Jiirka daqiiqadii wadnihiisu waxa uu garaacaa  200 ilaa 300 oo jeer. Bakaylaha, Daqiiqaddii 150 Jeer. Eyga, Daqiiqaddii 100 Jeer. Adhiga, Daqiiqaddii 70 Jeer. Maroodiga, Daqiiqaddii 25 Jeer.