Guddoomiye Cirro Oo Ka Dayriyay Cabsida Laga Qabo RRU, Doodda Dawladda Ingiriiska Iyo Xildhibaan Xoog Oo UK Ugu Baaqay Inay Joojiyaan Taageerada RRU

0
489

Picture9Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ka hadlay cabsi uu sheegay inay shacabka ku hayaan ciidamada RRU ee Booliska Somaliland. Sidoo kale xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo ka tirsan golaha wakiilada ayaa isna dawladda Ingiriiska ugu baaqay inay joojiso maalgelinta ciidamada RRU.

Shabakadda caalamiga ah ee wararka ee Vice News, ayaa warbixin dheer oo ay daabacday waxay dhinacoodana wax ka weydiisay dawladda Ingiriiska.’

Warbixin uu toddobaadkan dhammaaday soo saaray Xarunta xuquuqal insaanka (Hurman Rights Center) ee magaalada Hargeysa oo lagu soo bandhigay munaasibad lagu qabtay Hargeysa, waxay ku sheegeen inay RRU  hadimo iyo dhibaato ku hayaan shacabka iyagoo soo xigtay dilal ay gaysteen wakhti ay mudaharaado socdeen. Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, oo u waramay bartan Internetka ayaa wuxuu tusaale u soo qaatay khilaafkii dhawaan ka dhacay golaha wakiilada oo uu sheegay inay RRU ciidamadiisa gaarka ah ka dhigeen hubkii ay siteen. “Qiyaastii in ka fog kilomitir ayaa la dhigay askar badan oo ay ku jiraan RRU. Si looga fogaado isku dhac, waxaan go’aansaday inaan gurigayga iska tago.” Ayuu yidhi Cirro oo ka hadlaya maalintii uu buuqu ka dhacay fadhiga golaha wakiilada ee uu golaha banaankiisa ka noqday, isagoo wakhtigaas sheegay in golihii la qabsaday. Isagoo ka sii hadlaya RRU, wuxuu yidhi “Aad bay u awood badanyihiin, qof walibana wuu ka baqdaa.”

 Xildhibaan Cabdiaraxmaan Xoog, ayaa isna shabakadda uga waramay RRU, oo uu sheegay inuu Ingiriisku maalgeliyo, “Waxaan ku arkay indhahayga iyagoo xero ku tababaraya sida wax loo toogto. Waxaan arkay iyagoo baranaya sida wax loo toogto bil ka hor. Maaha wax sir ah, qof kasta oo Somaliland ahi wuu ogyahay inuu Ingiriisku maalgeliyo RRU.”

Wuxuu sheegay in 15 November ay ciidamo ay ku jiraan RRU oo gaadhayay 400 oo askari ay qabsadeen dhismaha golaha wakiilada, isagoo maalintaas ku tilmaamay talaabadii ugu dambaysay ee lagu burburinayay dimuqraadiyadda Somaliland. Waxase uu sheegay inay nasiib wanaag aanay wax dhaawacyo soo gaadhin xildhibaanada oo uu sheegay inay ciidamadu garaaceen, “Aad baanu u nasiib badnayn, oo maanu dhaawacmin. Xisbiga talada hayaa [KULMIYE] aad ayuu uga cadhooday taageerada aanu [Waddani] Somaliland ku dhex leenahay.”  Wuxuu intaas xildhibaan Xoog ku daray in markasta oo mudaharaad dhaco ay ciidamada RRU dadka la dhacaan rasaasta nool “Mar kasta oo uu mudaharaad ka dhaco Somaliland, ma isticmaalaan biyaha dadka kaga ilmaysiiya, ma isticmaalaan rasaasta rabadhka ah. Waxay isticmaalaan xabado nool oo ay ku kala kaxeeyaan buuqa. Rasaastuna dadka ayay laysaa.” Xildhibaan Xoog oo haysta dhalashada wadanka Ingiriiska, ayaa wuxuu wax laga xishoodo ku tilmaamay in cashuurta muwaadiniinta Ingiriiska lagu bixiyo xoogag uu ku tilmaamay inay dadka cabudhiyaan, “Waxaan dawladda Ingiriiska ugu baaqayaa inay dib u eegto maalgelinta iyo taageerada ay siiso RRU.” Ayuu yidhi Xidlhibaanku.

Sarkaal u hadlay xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka Ingiriiska oo ay wakaaladani isna la xidhiidhay ayaa yidhi “Ma’ awoodno in aanu faahfaahin ka bixinno, lacagta aanu ku bixinno barnaamijkayaga argagaxiso la dirirka, sababo ammaanka la xidhiidha awgeed,”, waxaanu intaas raaciyay “Si kastaba ha ahaato ee wixii arrintaas lacag aanu ku bixinayno waxa aanu marinnaa hannaanka u dejisan ammaanka iyo caawimada caalamka ee dawladda boqortooyada Ingiriiska. Si joogto ah ayaana dib u eegis loogu sameeyaa si loo hubiyo in aanay ka hor imanayn xuquuqda bani’aadamka ee caalamiga ah.”

Ugu dambayn wuxuu sarkaalkani yidhi “‘Waxa aanu aaminsanahay, in tixgelinta xuquuqda aadamuhu ay qayb dhammaystir ah u tahay hannaan kasta oo waxtar u leh argagaxiso la dirirka”