Surwaal Bilaa Suun Ah Iyo Dharka Hoose Oo Aad Ka Tagto Waxa Aad Ku Kasbanaysaa Ganaax Lacageed

0
689

Picture6Sydney (Geeska)- Nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Australia ayaa lagu xukumay rogay ganaax lacageed kadib markii surwaalkii ka dhacay isaga oo shaarac weyn dhex maraya. Ninkan dhalinyarada ah oo sida  la sheegay xidhnaa surwaal dhexda uga weyn oo aanu suun ku xidhan, isla markaana aanu hoostiisa ka xidhnayn dhar hoose, ayaa uu si kedis ah surwaalku uga siibtay isaga oo marayey shaarac isla markaana ay ag maraysay haweenay booliis ahi. Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Sun Shine Coast oo ah maalinle ka ka soo baxda dalka Australia ayaa cadadkeedii khamiistii toddobaadkii hore ku sheegtay in wiilkan 19 jirka ah oo lagu magacaabo Trent Joseph lagu ganaaxay in uu bixiyo lacag u dhiganta 168 doolarka Maraykanka ah iyo sidoo kale in uu suun u xidho saraawiisha iyo in aanu ka tegin surwaalka hoosta laga gashado, taas oo haddii ay dhacdo ganaax labaad lagu ridi doono.

Dhacdadani waxa ay ka dhacday magaalada Mooloolaba oo ku taalla woqooyiga gobolka Queensland ee dalka Australia. In kasta oo markii hore inankan lagu eedeeyey in uu ula kac surwaalka u riday haddana isagu eeddaas waa uu beeniyey, waxa aanu caddeeyey in uu surwaalku ahaa mid uu ka soo ammaanaystay qof ka weyn, isla markaana si aan badheedh ahayn uu u dhacay isaga oo maraya shaaraca. Waxa uu inankani sheegay in uu raalli gelin doono gabadha bilayska ah iyo cid kasta oo arkaysay, isaga oo maxkamadda horteedana ka ballan qaaday in aanu ka tegi doonin suunka iyo surwaalka hoosta laga gashado.