Cuntooyin Ay Cunistoodu Waajib Tahay Marka 50 Sano Jir La Gaadho Iyo Sababta

0
206

Hargeysa (Geeska)- Mar kasta oo ay qofka da’diisu sii weynaataba, waxaa jidhkiisa ku dhaca isbedello saamayn kala duwan ku leh caafimaadkiisa, sidaa awgeed da’ kasta waxa ay dhakhaatiirtu ka bixiyaan talooyin la xidhiidha noocyada cunto ee uu cunayo iyo guud ahaan qaab nololeedka looga baahanyahay.

Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda wararka Aljazeera, ayaa qoraaga Katia Tkach ay ku eegaysaa noocyada cunto ee u fiican qofku marka uu gaadho da’da konton sano jirka, si ay u xoojiso tamartiisa jidheed.

Faasuuliyaha iyo guud ahaan cuntada galka leh

Marka uu qofku ku dhowaado da’da kontonaadka waxaa korodho khatarta ah in ay ku dhacaan cudurrada lala noolaado, in da’daas lagu caadaysto cuntooyinka faasuuliyaha iyo fuulku ka mid yihiin, waa hab aad u fiican oo lagaga hortegi karo khatarta ah in qofka ay cudurradani ku dhacaan.

Xeeldheereyaashu waxa ay sheegeen in qofka oo maalin kasta cuna koob faasuuliye ahi ay boqolkiiba 5 hoos u dhigto heerka dufanka aan fiicnayn ee dhiigga raaca. Waxa kale oo uu gacan weyn ka geystaa hoos u dhigidda macaanka.

Laakiin waxa ay khubaradu ku talinayaan in faasuuliyaha qasacadaysan, inta aan la cunin la iska maydho, si looga dhaqo milixda oo ku badan iyo maaddooyin kale oo aan caafimaadka u fiicnayn.

Boorashka

Boorashku waa cuntooyinka ganka badan leh, sida sahalka ahna u milma. Waxa uu jidhka ka caawiyaa tirtiridda kalastaroolka jidhka, waxa aanu duxdaas ka mamnuucaa in ay halbawlayaasha dhiigga ku negaato.

Dhakhaatiirta nafaqada iyo cuntada aadamuhu waxa ay ku talinayaan in ay fiican tahay in qofku uu maalin kasta isticmaalo saddex garaam ah boorash ama cuntooyin la mid ah oo sidaa dhaqsaha ah dheefshiidka ugu milmaha. Taas oo haddii la caadaysto suurtagelinaya in qofku uu jidhkiisa maalinkasta ka saaro boqolkiiba 5 ama 10 dufankaas aan caafimaadka u fiicnayn ah. waxa kale oo ay daraasaddaha cilmiga ahi daahfurayaan in dadka boorasha cunistiisa caadaysaa ay ka cimri dheer yihiin dadka kale.

Afakaadho

Afakaadhada ayaa ay xeeldheereyaasha nafaqadu aaminsan yihiin in ay ku jiraan curiyeyaal, Faytamiinno iyo maaddooyin nafaqo oo muhiim u ah caafimaadka. Waxa aanay sheegeen in qofka joogteeya cabbitaanka Afakaadhadu uu ka helo xaddi ku filan oo ah dufanka uu jidhku u baahan yahay oo ah nooca aan khatarta ku ahayn caafimaadka.

Tufaaxa

Xabbad kasta oo tufaax ah waxaa ku jira gan aan ka yarayn shan garaam oo ka mid ah ganka uu jidhku maalintii u baahan yuahay. Waxa kale oo tufaaxa ku jira maadadda Quercetin oo caawisa hoos u dhaca cadaadiska dhiigga, taas oo si gaar ah ugu sii fiican dadka dhiigkarka qaba iyo dadka da’dan gaadha oo inta badan dhiigkarka baadi u ah. Waxa kale oo ku jira Faytamiin ‘C’ iyo Bootaasiyaam iyo maaddooyin liddi ku ah mariidka. Kuwaas oo dhammaantood si gaar ah ugu fiican caafimaadka dadka da’dan ah.

Khudradda caleenta ah

Cilmibaadhsaha cusubi waxa ay iska daba mareen in dadka caadaysta cunista khudradda nooceeda caleenta ah, sida koostada iyo noocyada saladhku ay garashada maskaxoodu ka awood badan tahay dadka da’dooda ah, balse aan khudraddan cunin.

Daba casaha

Guud ahaanba khudraddu waa cuntooyinka lagama maarmaanka u ah caafimaadka aadamaha, mar kasta oo ay da’diisu sii kortana waxaa sii korodha faa’iidada caafimaad ee uu qofku ka helayo. Dabacasuhu waxa uu ka mid yahay cuntooyinka ay xeeldheereyaasha caafimaadku sheegeen in ay u fiican yihiin ilaalinta caafimaadka, gaar ahaan indhaha, caloosha, maqaarka iyo wadnaha.

Waxa kale oo uu dabacasuhu caawiyaa dejinta dhiigga, nidaaminta heerka kalastaroolka jidhka, xoojinta shaqada dhiska dheefshiidka, iyo xoojinta habdhiska difaaca. Isaga oo dhinaca kalana hoos u dhiga khatarta ah in qofka ay ku dhacaan xanuunnada qaarkood.

Dabacasaha waxaa ku jira noocyo u gaar ah isaga oo ka mid ah faytamiinnada ‘A / B8 / C iyo K’ waxa kale oo ku jira gan muhiim ah, macdano ay ka mid tahay Bootaasiyaam, Xadiid, Manganese, copper iyo weliba maaddooyin burburiya suntan cuntada ka dhalata ee jidhka ku samaysanta.

Baytaraafka

Baytaraafka waxaa ku jira faytamiinno aad u tiro badan, oo ay ka mid yihiin, ‘A iyo C’, waxa kale oo ku jira gan, asiidhka Foolik,  macdano ay ka mid yihiin Manganese, Kalshiyaam, Botaasiyaa, Xadiid iyo maaddooyin kale oo aad u muhiim ah. kuwaas oo ay ku jiraan maaddooyin wax ka tara ka hortagga xanuunnada aan dawada lahayn qaarkood.

Cilmibaadhisaha qaarkoodna waxa ay intaas ku darayaan in Baytaraafku uu kor u qaado firfircoonida jidhka, isla markaana uu wanaajiyo shaqada xubnaha jidka iyo maskaxda, dhiiggana uu dejiyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.