Guddoomiyaha Golaha Guurtida Oo Madaxweyne Biixi U Gudbiyay Labada Xubnood Ee Uu U Xulay Guddiga Cusub Ee Doorashooyinka

0
192

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan, ayaa Madaxweyne Biixi u gudbiyay labada xubnood ee golaha guurtida u meteli doona guddiga cusub ee doorashooyinka.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ahi, warar xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in guddoomiye Saleban uu Madaxweynaha u gudbiyay labadaas xubnood oo magacyadoodu kala yihiin:

  1. Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood)
  2. Foosi Hiraab Gale

Labadan xubnood, ayaa noqonaya xubnaha u horeeya ee guddiga cusub ee doorashada, waxaana la filayaa inay labada xisbi mucaarad iyaguna maalmahan gudbiyaan labadooda xubnood, Madaxweyne Biixi ayaa isna la sheegay inuu diyaariyay saddexda xubnood ee uu soo xulayo, waxaanu u gudbin doonaa golaha wakiilada oo iyaguna codka kalsoonida u qaadi doona.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.