Cunto Fudud, Jimicsi Iyo Qalabka Elektarooniga Ah Oo Laga Demiyo Ayaa Ilmaha Ka Caawiya In Uu Hurdo Fiican Seexdo

0
636

Cunto fudud: Cunto fudud oo habeenkii la cunaa waxa ay u fiican tahay guud ahaan caafimaadka qofka, waxa aanay si weyn u caawisaa in uu hurdo fiican seexdo. Waxa ay khubarada caafimaadka carruurtu ku taliyaan in ilmaha habeenkii la siiyo casho fudud, haddii la arko in ay weli gaajo jirto oo aanu cuntada ka dhergin, waxa fiican in la siiyo koob caano aan qaboobayn ah, ama khudrad iyo buskud hadba kii loo helo.

Weligaa ilkmahaaga hurdada ka hor ha siinin sharaab ay sonkortu ku badan tahay ama maadadda Caffeine ku jirto, sida shaaha.  Cabbitaannada noocan ah waa in ay ugu dambayso ugu yaraan saddex saac hurdada ka hor. Haddii kale marka laga tago dhibaatooyinkooda kale ee caafimaad oo ay ka mid tahay ilkaha oo ay khatar ku yihiin iyo buurni ay sababaan, waxaa dhacaysa in jidhka iyo maskaxda ay geliyaan firfircooni sababta in ilmaha ay hurdadu ka raagto.

Jimicsi: In carruurta loo sameeyo waqti maalintii ka mid ah oo ay jimicsi joogto ah sameeyaan waxa ay ka caawisaa in habeenkii ay si dhaqso ah hurdada u helaan, laakiin waxaa shardi ah in jimicsiga iyo ciyaarta carruurtu ay noqoto ugu yaraan saddex saacadood ka hor waqtiga seexashada si aanay isugu dhowaan xilliga firfircoonida badan uu samaynayo iyo waqtiga laga rabo in uu seexdo.

Marka uu waqtiga hurdadu soo dhowaado wacxaa waajib ah in ilmaha laga caawiyo sidii uu u dhimi lahaa dhaqdhaqaaqa jidhkiisa isla markaana u heli lahaa deggenaanshiyo maskaxda ah si ay isugu diyaariso hurdo xasiloon. Waxyaabaha hurdada aad u caawiya waxaa ka mid ah in ilayska badan laga yareeyo, gaar ahaan qolka la doonayo in uu seexdo.

Haddii adiga oo ilaalinaya talooyinkan iyo guud ahaan tallaabooyinka ilmaha ka caawiya hurdada, haddana aad aragto in ay weli haysato dhibaato dhinaca hurdada ah, waxaa suurtagal ah in ay jirto xaalad caafimaad oo khalkhalka hurdada la xidhiidha, sidaas awgeed waxaa waajib ah in aad dhaqtar carruureed la tashato.

Qalabka elektarooniga ah:

Dunida maantu waxa ay ku socotaa in teknoolajiyada iyo qalabka elektarooniga ahi ay lagama maarmaan noqdaan. Waxaa soo kordhaya qalabka carruurtu ku ciyaarayaan oo elektarooni ah, sida ciyaaraha maqal iyo muuqaalka ah, muraayadaha talefishanka, kombiyuutarrada, taleefannada gacanta iyo qalabka sida taleefanka u shaqeeya.

Qalabkani dhammaantii waxa uu qofka ku abuuraa firfircooni dheeraad ah iyo maskaxda oo uu baraarujiyo, sidaas awgeed waxa uu qofka ku keenaa in ay hurdadu ka dib dhacdo. Waxa taas ka sii khatar badan in nooca ilays ee qalabkan ka soo baxayaa uu yahay mid dhaawacaya hormoonnada maskaxda ee hurdada soo dhoweeya. Ilayskani waxa uu la mid yahay ilayska qorraxda sidaas awgeed maskaxdu marka ay dareento ilayskan waxa ay u qaadataa maalin, waxa aanay yaraysaa hormoonka Melatonin oo kaalin aasaasiya ku leh hurdada iyo soojeedka qofka. Marka ay Melatonin badan maskadu soo deyso waxa aynu dareennaa hurdo si dhaqso ah ayaana aynu u seexannaa.

Waa khatar da’ kasta oo uu qofku yahay kaga imanaysa qalabkan, laakiin carruurta aynu si gaar ah u xusayno maadaama oo khatarta ka imanaysa hurdo xumada ama hurdo la’aantu ay iyaga ku badan tahay. Waxaa waalidka lagula talinayaa in laba saacadood ka hor waqtiga hurdada ay ilmaha ka joojiyaan ku ciyaarista qalabkan.