Xidhiidh Baa Ka Dhexeeya Fariidnimada Iyo Gooni- Joogga, Go’aan Ka Gaadhista Dhacdooyinka Iyo Fawdada

0
629

Warbixin ay faafisay shabakadda wararka ee Aljazeera ayaa soo bandhigtay tilmaamo ay xeeldheereyaal kala duwani ka bixiyeen calaamado lagu garto garaad badnaanta qofka iyo xirfado u fudud qofka fariidka ah, oo ay ka mid tahay awood uu u leeyahay xallinta dhibaatooyinka. Tilmaamaha ay warbixintu sheegtay in lagu aqoonsan karo in qofka lagu arkay uu fariid yahay waxaa ka mid ah:

Gooni u joogga

Qoraaga Emily DiNozzo ayaa maqaal ay ku qortay majaladda arrimaha caafimaadka ka faalloota ee ‘The Healthy’ oo dalka Maraykanka ka soo baxda waxa ay ku sheegtay in cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Singapore ee Sayniska iyo kuliyadda dhaqaalaha ee London sahamin iyo tijaabooyin ay ka qaadeen 15 kun oo qof oo da’doodu u dhexeyso 18 sano illaa 28 in ay ku ogaadeen in dadka fariidnimada badani aanay farxad dareemin marka ay dadka badan ku dhex jiraan, balse ay jecel yihiin in ay gooni noqdaan oo hawlahooda qabsadaan ama ka fikiraan hadba qorshayaasha ay doonayaan.

Go’aan ka gaadhista dhacdooyinka

In qofku xaaladaha ku soo kordha iyo duruufaha uu la kulmo xukun ka gaadhaa waxa ay ia mid tahay astaamaha ugu fiican ee horusocodka iyo guusha. Waxa ay ka hortagtaa in qofku ku hakado ka fikirka go’aan ka gaadhista xaaladdaas, waxa aanay fududaysaa in uu markaba uga gudbo xaaladda xigta ama hawsha kale ee hortaalla.

Cilmibaadhis natiijadeeda lagu qoray Joornaalka ka faallooda tijaabooyinka la xidhiidha caafimaadka nafsiga ah ayaa daahfurtay in dadka fariidada ahi ay awood maskaxeed u leeyihiin in dhacdooyinka la kulmaya ay si dhaqso ah ugu xidhaan kuwo hore oo soo maray oo la mid ahaa, sidaas awgeed go’aan ka gaadhistooda iyo xukunkooda si dhaqso ah u gaadhaan.

Fariiddada fawdo iyo isku dhexdaadsanaan lagama waayo

Dr. Caarif Delfi oo ka tirsan Maxadka cilmiga neerfayaasha ee ‘Palm Beach’ ayaa sheegay in hal-abuurka iyo curintu ay tahay astaan ay ka siman yihiin dadka garaadka badani. Laakiin dabeecadda ay leeyihiin dadkuna inta badan aanay ku jeclaysan ayaa ah in ay yihiin dad fawdada iyo isku dhexdaadsanaanta hawluhu aanay dhibaato ku haynin.

Maskax badnaanta iyo xidhashada muraayadda indhaha

Arrimaha xiisaha leh ee uu cilmigu ka sheegay dadka maskaxda badan waxaa ka mid ah in xidhiidh ka dhexeeyo fariidnimada ama maska badnaanta qofka iyo xidhashada muraayadda indhaha.

Cilmibaadhis ay samaysay jaamacadda Edinburgh ee Scotland ayaa lagu ogaaday in ay u dhowdahay in dadka maskaxda badan ay ku abuuranyihiin hidde-sideyaal aragga daciifiya. Tijaabooyin la sameeyey ayaa muujinaya in dadka maskaxda badani ay u baahashada muraayadda aragga boqolkiiba 30 kaga badan yihiin kuwa dhiggooda ah ee aan maskaxda badnayn.