Xildhibaan Ku Baaqay In La Sameeyo Wax Soo-saar Lagaga Maarmo Waxyaabaha Dibedda Laga Soo Dhoofiyo

0
472

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Maxamed-weli Warsame Cali oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida, ayaa ku baaqay in xooga la saaro wax soo saarka dalka, si looga maarmo in dalka dibadiisa wax looga keeno.

Xildhibaan Maxamed-weli Warsame Cali, ayaa sidoo kale ku taliyey in tayada caafimaadka ee dalka sare loo qaado, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “In wax soo saarkeena xoogga saarno oo aynu wax beerano, isla-markaana ka faa’iidaysano khayraadka iyo nimcooyinka ILLAAHAY ina siiyey ayaa la inooga baahan yahay, laakiin inoogo ah dal jira in haddana dalka dibeddiisa wax la inooga soo dhoofiyo ma haboona ee aynu wax soo saar iyo tacab la nimaadno”.

Mar uu ka hadlayey xaaladda caafimaad ee dalka ayuu yidhi “Caafimaadku waa waxyaabaha ugu muhiimsan ee u baahan inuu qofku ilaaliyo, sidaas darteed xanuunkani Covid_19 weli wuu jiraa ee ILLAAHAY ayaa wax walba ilaaliya, ee ILLAAHAY waxaynu ka baryeynaa  inuu mar walba ina ilaaliyo, inaguna aynu is ilaalino tallooyinka caafimaadka ee ka soo baxaya Wasaaradda Caafimaadkana aynu ku dhaqano”