Cunto Dufanku Ku Badan Yahay Oo Ay Hooyadu Cuntaa Waxa Ay Buurni Qaadsiisaa Ubadka Ay Ayeeyada U Noqoto

39
3113

Bern (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo lagu sameeyey dalka Switzerland ayaa daaha ka rogtay in hooyooyinka cuntada dufanku ku badan yahay cuna xilliga uurka ka hor ama kaddib iyo inta uurka ay leeyihiinba ay raad taban oo dhinaca caafimaadka ah gaadhsiiyaan saddex jiil oo kala dambeeya oo tarantooda ah.

Cilmibaadhistan oo ay sameeyeen cilmibaadhayaal ka tirsan maxadka tiknoolajiyadda ee federaalka Switzerland oo xaruntiisu tahay maaalada Zurich, waxaa natiijadiisa lagu faafiyey cadadkii ugu dambeeyey ee Joornaalka arrimaha cilmiga wax ka qora ee Translational Psychiatry. Daraasaddan oo ay xeeldheereyaashu ku baadhayeen xidhiidhka caafimaad darro ee ka dhexeyn kara cuntada dufanku ku badan yahay iyo taranta dambe ee qofka, waxa ay ku ogaadeen in cuntada dufanka leh ee ay gabadhu cuntaa ay buurni ku keento taranteeda, iyo in taranta jiilalka dambe ah ku abuurto xaalad uu jidhkood iska caabbiyo insulin ta, waxaa intaas dheer qofka oo dufanka cunista u qabatima sida balwada daroogada. Xaaladahaas oo aan lagu arkin carruurta yaryar ee ay gabadhu dhasho oo keliya, balse ay sida oo kale u gudubto carruurta ka sii farcama ee ay ayeeyada iyo mocooyada u noqonayso. Arrinta yaabka leh ayaa ah in ubadkaas jiilalka dambe ah ay ayeeyada ka hidde raacayaan baruurtaas, xitaa haddii aanay iyaga hooyadood cunin dufan.

Dr. Darya Peleg Raibstein oo ah haweenayda hoggaaminaysay xeeldheereyaasha daraasaddan sameeyey ayaa tidhi, “Cilmibaadhisaha lagu baadho khatarta caafimaad ee cuntada dufanka badan leh, illaa imika ma’ay ka eegin dhinaca daraasaddani ka eegtay” Dr. Darya Peleg waxa ay intaas ku sii dartay, “Daraasaddani waa tii nooceeda ugu horreysay ee eegtay raadadka ay cuntada dufanka badan lihi ku yeelato u badka ay gabadhu ayeeyada u noqon doonto” waxa aanay tilmaamtay in faa’iidooyinka daraasaddan cusub ay ka mid tahay in ay caawiso wanaajinta caafimaadka iyo waxbarashada haweenka, iyo kaalinta ay ka ciyaari karaan xakamaynta miisaanka, si ubadka dambe fursad ugu helaan in ay nolol caafimaad qabta noolaadaan.

Cuntooyinka degdegga ah, baradhada shiilan, hilibka qasacadaysan, macmacaanka, iyo sharaabbada sonkorta badan lagu milo, ayaa xagga hore kaga jira cuntooyinka iyo cabbitaannada hodanka ku ah dufanka iyo sonkorta. Cilmibaadhiso hore ayaa iyaguna ka digay in cuntooyinka dufanka ama sonkorta badan lihi aanay keenin buurni keliya, balse ay sida oo kale maskaxda burburiso, keentana in ay hoos u dhacdo awoodda garasho ee qofku, waxa aanay taasi kordhisaa suurtagalnimada in qofka ay ku keento kansarka ku dhaca xiidmaha iyo malawadka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here