Cunsuriyadda Ku Sii Badanaysa Maraykanka: Weriye Ninkay Wada Shaqaynayeen Uu Daanyeer Ula Ekaaday

0
886

Washington (Geeska)- Warfidiyeen u dhalatay dalka Maraykanka ayaa raalli gelin toos hawada talefishanka looga daawaday waxa ay siisay nin Maraykanka madow ah oo ay wada shaqaynayeen, kaddib markii ay maalmo ka hor ku tilmaamtay in ay daanyeer isu eegyihin.

Sida uu ku warramay Talefishanka NBC news oo dalka Maraykanka laga leeyahay, weriye Alex Houdsan oo ka hawlgasha talefishanka KOCO-5 ee xaruntiisu tahay magaalada Oklahoma City ee dalka Maraykanka ayaa mar ay ka warramayeen muuqaal barta xidhiidhka bulshada ee Instegram ka lagu faafiyey oo ah daanyeer yar oo nooca Guriilaha loo yaqaanno ah. Waxa ay mar keliya si u qaadan waa noqotay inta ay eegtay weriyaha ay barnaamijka wada daadihinayeen oo ahaa Jason Hackett ugu sheegtay in daanyeerkani uu isaga aad ugu eeg yahay.

Arrintan ay ku kacday haweenaydan caddaanka ahi waxa ay aad uga cadhaysiisay dadka madowga Maraykanka ah ee uu Jason ka midka yahay iyo guud ahaan dadka ka soo horjeeda midabtakoorka.

Arrintan oo hadal haynteedu aad u badatay, cadho badanna abuurtay ayaa kalliftay in Alex Houdsan ay khamiistii toddobaadkii hore inta ay soo fadhiisato istuudyaha oo toos hawada looga daawanayo, iyada oo uu wehelinayo nin ay aflagaadaysay ay tidhaahdo, “Shalay arrin aan habboonayn ayaa an idhi, waxa uu ahaa hadal aan iska idhi aniga oo aan daraasayn,  oo dhaawac ku keenay dad. Si niyad ah ayaa aan uga cudur daaranayaa hadalkaas aan idhi. Waxa aan garawsaday in aan qaldamay”

Jason Hackett oo si aamusan u dhegeysanayey ereyada gabadhan ayaa markay hadalkii dhammaysay, isaguna hadlay. Waxa uu sheegay in uu aqbalay raalligelinta gabadhaasi siisay, waxa se uu haddana xusay in uu qiranayo in ereyadaas ay habeenkaas tidhi ay dhaawac gaadhsiiyeen.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli labadii sano iyo badhkii u dambeeyey ay cirka isku shareertay xiisadda cunsuriyadeed ee dalka Maraykanku, lana aaminsan yahay in nacaybka madowgu uu ku sii badanayo dadka caddaanka ah iyo in dad badan oo hore nacaybkaaas u qarsan jiray ay markan badheedhaan.

Cunsuriyadda ku sii badanaysa dalka Maraykanka ayaa lagu xidhiidhinayaa habdhaqanka iyo hadallada madxweyne Donald Trump oo dad badani aaminsan yihiin in isaga qudhiisa ay cunsuriyadi ku jirto.

Bishii Julaay ee sannadkan ayaa u dambaysay oo uu madaxweyne Trump afar xildhibaannada aan caddaanka ahayn ee golaha baarlamaanka u jeediyey ereyo aflagaado u badan oo ay ka mid tahay in ay dib ugu noqdaan dalalkoodii asal ahaan ay ka soo jeedeen. Haddana intaas kuma ekaan ee iyada oo weli uu taagan yahay buuqii ka dhashay hadalladaas hore, ayaa uu mar kale meel qudhun ah oo khatarteedu badan tahay ku sheegay magaalada Baltimore e gobalka Maryland oo ay dadka madowga ahi deegaankeeda u badan yihiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here